Ciidamo katirsan booliiska sida gaarka ah
Ciidamo katirsan booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad , ayaa maanta gadood waxa ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho gaar ahaan Ex-koontarool Afgooye, waxa ayna ciidamadan joojiyeen isku socodka gaadiidka Muqdisho iyo Afgooye.
Goobjoogayaal, ayaa ku warramay in ciidamo katirsan Haramcad oo ka gadoodsanaa mushaar la’aan ay xirteen laamiga Ex-koontarool Afgooye, waxa ayna ciidamadan mararka qaar rasaas badan u ridayeen kor iyaga oo dadka ku kala eryay.
Ciidamadan gadoodsan ayaa sheegay in halkaasi u tageen
Ciidamadan gadoodsan ayaa sheegay in halkaasi u tageen sidii ay u muujin lahaayeen cabasho la xariirta xaquuqda ka maqan, waxa ayna dalbadeen in dowladda siiso ciidankan mushaarkood iyo sidoo kale xaquuqda kale ee ka maqan.
Isku socodka gaadiidka nuucyadiisa kala duwan ee u kala gooshi jiray Muqdisho iyo Afgooye ayey saameyn badan ku yeelatay gadoodka ay sameeyeen ciidamada Haramcad, waxaana jidkaasi ku silcay dad shacab ah oo safar ahaa.
Ciidankii gadoodka ahaa
Ciidankii gadoodka ahaa, ayaa markii dambe isaga tagay laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye, waxaana la sheegay in ciidanka gadoodsanaa u yimaadeen saraakiil laguna qanciyay in goobta ka tagaan lana xallin doono cabashadooda.
Ciidaada Haramcad waa booliis si gaar ah u tababaran, waxaana ciidankan tababaray gacanta ku hayay dowladda Turkiga, dhawaan ayaana laga beddelay talihii ciidankaasi Fanax, waxaana taliye ciidankan looga dhigay sargaal qaraabo dhaw la ah Madaxweyne Xasan Sheekh.
0 Comments