Magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida
Magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida waxaa ka socda ciyaaraha gobollada oo xiisahooda iyo xamaasaddooda wata, waxaana isku arkaya dhammaan gobollada kala duwan ee dowlad deegaanka.
Waa kulamo loogu tala galay is dhex gal bulsho iyo horumarin isboortis, waxaana abaabulka iska leh wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo xiriirrada kale ee isboortiska deegaanka. Taageerayaal badan oo kala wata gobollada ayaa soo buux dhaafiya garoonka kuwaas oo si toos ah u daawanaya ciyaaraha iyaga oo wejiyadooda laga dheehan karo shucuurta iyo xiisaha ay ciyaarta u hayaan.
Inta ay cayaartu socoto taageerayaasha ayaa wada sacab
Inta ay cayaartu socoto taageerayaasha ayaa wada sacab, qaylo iyo buuq fara badan, qaarkood ayaa qaadaya heeso kuwo ayaa tirinaya erayo, halka dumarkuna ay buraanburayeen iyaga oo durbaanno wata. Taasi waxa ay keentay in dumarku mararka qaar ay ku dhawaaqaan erayo uu maamulku u arkay kicin dadweyne iyo kuwo qabiileysan, waxaana arrintaa awgeed uu go’aan kasoo baxay wasaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha
Wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa gebi ahaanba hablaha ka mamnuucday in ay goob joog ka ahaadaan oo ay soo galaan ciyaaraha ka dhacaya garoomada magaalada Jigjiga. Wasaaradda ayaa arrintan sabab uga dhigtay in hablaha taageerayaasha ah ee cayaarta daawanaya ay ku kacaan arimo liddi ku ah xeerarka ciyaaraha
Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyrada ee dowlad deegaanka Soomaalida Maxamed Mahdi adan, oo BBC-da la hadlay ayaa yiri,” Tartankii ciyaaraha fudud ayaa dhawaanahanba ka socday dowlad deegaanka, dabcan taageerayaal badan ayaa u soo daawasho taga, dumarku maadaama inta badan marka ay taageero muujinayaan ay mararka qaar adeegsadaan nidaam qabiil waan ka joojinnay daawashada”.
Wasiirka ayaa sheegay in ay kaliya u qorsheeyeen in ay dumarku
Wasiirka ayaa sheegay in ay kaliya u qorsheeyeen in ay dumarku guryaha uga daawadaan si toos ah, isla markaana aysan soo xaadiri karin, isaga oo taas u cuskaday in nidaamka iyo xeerarka caalamiga aysan marnaba oggoleyn in garoomada lagu arko waxyaabo bulshada kala fogeynaya.
Wasiirka oo qeexaya waxyaabaha caddeymaha ee ay arkeen isla markaana keenay in go’aankan ay soo saaraan ayaa yiri, “Waxaa la hayaa caddaymo fara badan iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada iyaga oo laga duubay xilli ay ku sugnaayeen garoomada, waxa ay muujinayeen in ay ku dhawaaqayeen erayo nacayb iyo kala fogeyn abuuri kara”.
Wasiirku sidoo kale waxa uu sheegay in isticmaalka erayada kicinta dadweynaha ay kaliya ku kooban tahay dumarka kadib markii si tijaabo ah shalay ciyaaraha ay u daawadeen rag kaliya isla markaana sida uu sheegay uu jawigu ahaa mid deggen oo uu qal-qal ku jirin.
Wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale sheegtay in mamnuuciddan ay tahay mid ku meel gaar ah ilaa inta laga helayo xal kale oo dumarku ciyaaraha ku daawan karaan cabsi la’aan.
Hadda arrintan aynu hablaha kaga mamnuucnay imaatinka garoomada waa mid ku meel gaar ah ilaa xal kale laga helayo, haddii loo arko in ay wax is bedel ah la yimaadaan dabcan waa loo fasixi karaa oo bulshada ayey kamid yihiin anagana awaamiir kale ayaan hadda kasoo saari doonna”, ayuu yiri wasiir Maxamed Mahdi Adan.
0 Comments