Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xaqiijiyay in Baarlamaanka uu laf dhabar u yahay sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Arrintan ayaa timid kadib kulan ay la qaateen Guddoonka Golaha Shacabka (Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka) iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha.
Madaxweyne xasan sheekh ayaa yiri “Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu diiradda saarayaa qorshaha dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab, maadaama ay wakiil ka yihiin dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay dambiyada ururka”.
MW Xasan sheekh ayaa kula dar daarmay Guddoonka Golaha Shacabka, Guddiga iyo dhammaan xubnaha Baarlamaanka in la dardargeliyo ansixinta shuruucda iyo siyaasadaha la dagaalanka Argagixisada ee ay dowladdu soo jeedineyso, lana xoojiyo wadashaqeynta hay’adaha dalka.
Dadka wax indha indheeya ayaa rumeysan in kulanka looga gol leeyahay in lagu dejiyo falcelinta xooggan ee baarlamaanka ee ku wajahan xukuumadda ee ku jira galka amniga, isla markaana loo jiheeyo dagaalka socda ee lagula jiro argagixisada, iyadoo ay taasi dheer tahay in baarlamaanka uu ku dadaalo sidii loo ansixin lahaa sharciyo adag oo ku aaddan dagaalka socda, iyada oo aan lagu mashquulin faylal kale oo horseedaya isku dhac, Ma jirto cid ka faa’iidaysan karta dhaqdhaqaaqa argagixisada Al-Shabaab xilligan.
0 Comments