Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib u cusboonaysiiyay ballan qaadkiisii ahaa la dagaalanka argagixisada iyo ciribtirka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab,kadib maalin ka dib magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceen labo qarax oo argagixisanimo oo galaaftay nolosha boqolaal shacab ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur.
Madaxweyne Maxamuud qudhiisa ayaa ku dhawaaqay in tirada dadka ku dhintay qaraxyadii Soobe ee “argagaxa leh” ay gaartay 100, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Kadib booqashadiisa uu ku tagay goobtii ay argagixisadu ka dhaceen ayuu yiri: “Waan ka adkaan doonnaa, horayna waan uga adkaannay kooxdan xagjirka ah”, isagoo soo hadal qaaday xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya oo muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada, dawladuna ay kordhin doonto la dagaalanka argagixisada iyo ciribtirka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ay Al-Shabaab “argagixisadu” ku laayeen isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, isagoo carrabka ku adkeeyay in “arxan-darrada iyo cadaawadda cadawga argagixisadu ay u hayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u soo ifbaxday,” ayuu yiri. xadgudubyada ay geysato, sida qaraxyada, dilka, toogashada, gubida ceelasha, iyo burburinta masaajidda, ay la beegsaneyso haweenka, carruurta iyo waayeelka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dambiyada iyo xadgudubyada ay geystaan maleeshiyada Al-Shabaab ay sabab u tahay lacagaha ganacsatada Soomaaliyeed ay siiyaan,” isagoo mar kale ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in aysan lacagtaas siinin cadowga argagixisada ah.
0 Comments