Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ballan qaaday in uusan ka laaban doonin go’aankiisa ku aadan ciribtirka dhaqdhaqaaqa argagixisada Al-Shabaab

 

Madaxwayne

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qoray maqaal uu cinwaan uga dhigay “Ma jirto wax ka laabanayo go’aankeenna ah inaan meesha ka saarno dhaqdhaqaaqa argagixisada,” ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad rasmi ah oo dagaal ay kula jirto kooxaha argagixisada ah ee arxanka daran, rabshadaha abuura, akhlaaqdana xun, oo haddaynaan ka adkaan, waxay baabi'in doonaan jiilasha danbe.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku qarxiyeen ceelal biyoodyo ku yaallay meelo fog fog oo ay ka cabi jireen bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay sannado badan ka qaadanayeen lacago sharci darro ah oo ay ka qaadan jireen dadka loogu hanjabayo in la dili doono.


Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaan salaamayaa geesinimada ay muujiyeen shacabkeena Soomaaliyeed, ee u kacay la dagaalanka argagixisada, isla markaana garab siinaya ciidamadooda geesiyaasha ah, si ay uga jawaabaan gumaadka iyo xasuuqa ay Al-Shabaab u geysatay dadkeena iyo qarankeena”.


 Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuux saday in aan la joogin waqti ka wanaagsan waqtigan xaadirka ah oo la cidhibtiri karo Argigixisada, maadaama shacabka ay u midaysan yihiin sidii loo ciribtiri lahaa, isla markaana aan horumar iyo barwaaqo ku gaari doonno marka aan iskaashano.


“Waan sii wadi doonnaa baacsiga cadowga oo aan ka xoreyn doono meelo badan oo muhiim ah, ka dibna waxaan gaarsiin doonnaa kaalmo bini’aadantinimo iyo mid horumarineed oo ay deegaannadaas iyo dadkooda nool u baahan yihiin,” ayuu yiri.


Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Al-shabaab aan looga adkaan doonin qori keliya, balse ay tahay in aan dib u eegis ku sameyno fikirkeenna tacliimeed iyo hab-fekerkeena, isla markaana aan xirno meelaha ay ka helaan maalgelinta argagixisada, isagoo mar kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan dadaalkeenna wadajirka ah iyo in si geesinimo leh looga soo horjeesto dhammaan kuwa la shaqeeya argagixisada.

Post a Comment

0 Comments