Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka dhabeynayaa ballantii uu qaaday, Soomaaliya ma waxaa ka billowday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

  

Madaxwayne Xasan sheekh

Isimada Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan Al-Shabaab oo xiriir la leh Ururka Argagaxisada ah ee Al-Qaacida, kadib markii ay dowladda u balan qaaday in ay siin doonto taageero ay u baahan yihiin, kadibna ay qabiiladu ka dharagsan yihiin falalka foosha xun iyo dambiyada Alshabaab, hadana xadgudubyada loo geystay Alshabab isa soo taraya ee ka socda deegaanada uu ka taliyo, gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta dalka.


Maalmo ka dib weerar argagixiso oo dhiig badan ku daatay oo maleeshiyada “Al-Shabaab” ay ka fuliyeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa madaxweynaha Soomaaliya  XasanSheekh Maxamuud waxa uu wacad ku maray in uu qaadi doono dagaal ka dhan ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.


Khudbad uu jeediyay xilligaasi oo daba socotay howlgallada ay ku naf-waayeen tobanaan qof, ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ku boorriyay Soomaalida inay u dulqaataan dhibaatada ka dhalan karta dagaalka lagula jiro argagaxisada, isagoo ballan-qaaday inay cirib-tirayaan kooxaha argagaxisada ah ee dalka kusoo jiray dhowr iyo tobanka sano.


Iyadoo taasi muujineyso in dagaalkan baaxada leh uu bilowday, ayaa beelaha waxa ay bilaabeen in ay u diyaar garoobaan dagaalka kadib markii ay dowladda balan qaaday in ay bixineyso taageerada ay u baahan yihiin, waxaana dowladda Soomaaliya ay balan qaaday in ay bixineyso tababar, saanad ciidan iyo mid caafimaad iyo mid damiir si loo xoreeyo beel walba.


Dadka wax indha indheeya ayaa aaminsan in ku biiritaanka qabaa’ilkan dagaalka lagula jiro argagixisanimada aysan ahayn kaliya natiijo ka dhalatay ballan-qaadyo ay dowladdu u ballan-qaadday inay taageero siinayso, balse ay timid diidmada ay ka muujiyeen ururka argagixisada ah oo ku soo rogay xuquuqaha qabiilka, iyaga oo beegsanaya iyo burburinta ceelasha biyaha iyadoo ay jirto dhibaatada abaareed oo maalinba maalinta ka danbaysa ka sii daraysa.


Wacyigelinta kacdoonka ayaa ka billaabay khudbadaha ay jeedinayaan madaxda beelaha, beelahaas oo wada dega dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa bilaabay dagaalka dhulka.


Bilihii la soo dhaafay waxaa si gaar ah u bartilmaameedsaday dhaq-dhaqaaqa argagaxisada ah ee Alshabaab, gaar ahaan deegaanada ay degan yihiin qabaa’ilkaan, waxaana la kulmay jab xoogan, kadib markii dadka deegaanka ay la wareegeen hubkii ay ku difaaci lahaayeen deegaanadooda, waxaana lagu guuleystay in muddo ah.


Kadib markii ururka argagixisada uu ku guul daraystay in uu deegaanadaas gacanta ku dhigo ayaa waxa uu bilaabay duulaanka gardarada ah ee uu ku hayo xarumaha nolosha iyo in uu ku beegsado dadka caanka ah ee beelahaas ka soo jeeda si uu uga aargoosto diidmada ay ku doonayaan in ay ku wareejiyaan kooxda argagixisada ah.


Ciidamada qabaa’ilka ayaa si hufan uga qeyb qaatay xoreynta ilaa 24 magaalo, marka laga soo tago dilka in ka badan 150 argagixiso.


Ciidamada Xoogga dalka oo ay wehliyaan Maleeshiyo beeleed ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay dagaal xoogan kula jireen dhaq dhaqaaqa Argagixisada, waxaana dagaaladaasi Shabaab loo geystey khasaarooyin naf iyo maalba leh, isla markaana waxa lagagala wareegay deegaano istiraatiiji ah oo ay gacanta ku hayeen, isla markaana ay ka qaadi jireen lacago canshuuro ah iyo lacago. 


Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan, xarakada Al-Qaacidda ayaa lumiyay awooddeedii iyo goobihii ay gacanta ku haysay, Joogitaankeedu waxa uu ku sigtay in uu ku dhamaado aaggii ay dadkoodu kaceen oo ay hubka qaateen si aan hore loo arag.


Post a Comment

0 Comments