War saxaafadeed ka soo baxay Dawladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ciidamada qaranka iyo dadka degaanka oo is kaashanaya ay maalmihii la soo dhaafay Kooxda Al-Shabaab ka xoreeyeen in ka badan 20 degaan.
Degaannada la sheegay in laga saaray Kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Shabaab ayaa ku kala yaalla, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeed, halkaasoo uu todobaadyadii na weydaarta ka socday kacdoon shacab oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Dowladdu waxa ay sheegtay in howlgallada billowga ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab lagu dilay in ka badan 100 maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan kooxdaas, taasoo muujineysa in gulufka cusub uu khasaare xooggan gaarsiiyay Al-shabaab.
Kacdoonka dadweyne ee degaannadaas looga xoreeyay Al-Shabaab, ayaa yimid kadib markii uu shacabku u dul qaadan waayay tacaddiyada joogtada ah ee dilka iyo xadgudubyada kale ee Kooxdu waligeed caanka ku ahayd.
Goobaha laga xoreeyay faraca Al-qaacida ee bariga Afrika, waxay ahaayeen kuwo kooxdu dulleysatay oo ay tacaddiyo joogto ah ugu gaysanaysay bulshada isla-markaana kasoo abaabulaysay weerarro halis badan.
“Intii ay socdeen hawlgallada, waxay argagixisadu falal aargoosi ah kula kacday Maati iyo dad rayid ah , oo ay isugu dareen afduub, dil iyo birburinta hantida dadweynaha ee noloshooda daruuriga u aheyd”, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Dowladda.
War saxaafadeedkaan Dawladda Soomaaliya, waxa ay si weyn ugu bogaadisay Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka shacabka ah ee hubka u qaatay in ay diidaan dullaysiga Kooxda Al-Shabaab, waxayna ballan qaadday in Hawlgalladu sii socon doonaan.
0 Comments