Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay falkii Kooxda Al-Shabaab ku xasuuqeen shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan kuna burburiyeen ilihii nolasha ee degaanada Afar-irdood iyo Cadakibir ee kala hoos yimaada Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Galgaduud.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay dawladda, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ficillada gurracan ee Al-Shabaab ee aan sal iyo raad toonna ku lahayn diinta Islaamka, waddaniyadda iyo dhaqanka suubban ay tusaale u yihiin cadaawadda ay u qabaan shacabka biri-mageydada ah iyo in aysan qofna nolol u oggoleyn.
"Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxan-darrada argagixisada bannaysatay dhiiggooda iyo maalkooda, waxaana rajeynayaa in ay adkeystaan oo aanay isdhiibin maalmahaan kooban ee ka haray dabar-goynta kooxdan sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah”, ayuu yiri Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
Madaxweynuhu wuxuu xusay in Al-Shabaab aysan shacabka u oggolayn nolol, nabad, xasillooni, amni iyo hurumar, taas beddelkeedana ay isku dayayaan cabsi-gelinta, daadinta dhiigga muwaaddiniinta, dhaca hantidooda gambad la’aan, burburinta ceelasha ay dadka reer miyiga ahi xoolaha ka waraabsadaan iyo xasuuqa raidka.
“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamadeenna halyeeyada ah ee dagaalka kula jira kooxdan fitnawadayaasha ah, dhabbaha kaliya ee looga adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada", ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynuhu.
Xasan Sheekh wuxuu ballan qaaday in shacabka iyo dowladda oo is garabsanaya ay tallaabooyin wadajir oo degdeg ah qaadayaan kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab, si loogula xisaabtamo jarriimooyinka ay u geysteen dadka biri-mageydada ah ee ay ku laayeen deegaanno ku yaalla bartaha Soomaaliya.
0 Comments