Madaxweyne Xasan Sheekh dawladiisa oo 100 maalmood jirsatay.

    

Madaxwayne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladdiisa ay haatan 100 maalin jirsatay, waxaa uu ku guuleystay inuu qabto hawlo badan oo hortabin u lahaa maamulkiisa, una badnaa boogadhayid iyo hagaajinta hillinka dowladnimada, isaga oo heshiis la galay dhammaan dalalkii uu xiriirkoodu mugdiga geliyey maamulkii hore, sidoo kalana kalsooni geliyey maamullada iyo Soomaalida gudaha, siyaasad cadna ka yeeshay arrimaha amniga, dhaqaalaha, bulshada iyo arrimaha dibadda.


 Madaxweyne Xasan Sheekh, tan iyo markii la doortay waxaa uu ku mashquulsanaa dib u habeynta hey’adaha amniga iyo sharciyadooda oo ay ugu horreyso hey’adda nabadsugidda taas oo hummaag badan ku jiray shaqadeeda sannadihii tagay, waxaa kale uu kormeer ku tagay xarumaha wasaaradda gashaandhigga iyo booliiska isaga oo labada hey’adoodba kala hadlay in maamulkiisa uu ahmiyad siinayo arrimaha amniga oo ay kow ka tahay dib u xoreynta dalka.


Madaxweynaha siddeed safar oo dibadda uu ku tagay, amniga waxaa uu ahaa waxyaabaha hortabinta u leh, gaar ahaan dalka Eritrea oo ciidamo shan kun oo Soomaali ah oo uu u tagay, kalana hadlay hawlaha sugaya ee dib u xoreynta dalka, waxaa kale oo qorshihiisa dib u xoreynta dalka uu hordhigay dalalka amni ahaan taageera Soomaaliya sida Djibouti, Kenya, Uganda Turkiga iyo Masar.


Dhanka gudaha, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu heegan geliyey maamullada dalka isaga oo damaciisa ah dib u xoreynta dalka kala hadlay dowlad goboleedyada sida shirkii caasimadda Muqdisho ka dhacay May 17  iyo shirkii kale ee wadatashiga qaran ee June 11, waxaa intaas dheer shirka golaha amniga ee August 23, 2022.


Dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Hiiraan iyo Galgaduud ayaa qeyb ka ah sida dowladda ugu kacday la dagaallanka kooxdaasi, iyada oo wasiirka gashaandhigga, taliyeyaasha iyo hoggaannada amniga ay horsocdaan ciidanka ku jira dagaalka.


Siyaasadda amniga ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ugu weyn kalsooni siinta ciidanka, awoodsiintooda isaga oo mushaar iyo garaaddaba usoo celiyey saraakiil iyo ciidan badan oo uu kutakrifal awood ku sameeyey maamulkii Farmaajo.


Madaxweyne Xasan Sheekh, waxyaabaha hortabinta u leh waxaa ka mid ah in Soomaali heshiis ahaato, isaga oo taasi ka duulaya ayuu safarro ku tagay illaa saddex dowlad goboleed sida Koonfur galbeed, Galmudug iyo Puntland, waxaa uuna 100-kiisa maalin ee ugu horreeyey labo jeer la kulmay madaxda dowlad goboleedyada oo dhammeystiran taasi oo ku tuseysa siyaasaddiisa ku saleysan wadatashiga, kalsooni gelinta iyo midnimada.


Kullamada uu Madaxweyne Xasan la galay maamul goboleedyada, safarro uu ku tagay qaar May(Baydhabo), June(Dhuusamareeb) iyo August(Garoowe) iyo ka qeybgelinta bulshada maamulladaasi iyo la tashigooda waxaa ay horseedeen inuu taageero ku helo dib u xoreynta dalka, iyo xataa arrimo soo socda sida dhammeystirka dastuurka, daadejinta federaalka iyo doorashooyinka.


 Madaxweyne Xasan 100-kiisa maalin ee ugu horreysay waxaa uu hillin fiican u sameeyey dhaqaalaha isaga oo soo celiyey xiriirkii iyo kalsoonida Soomaaliya iyo hey’adaha lacagta sida IMF iyo Bangiga adduunka isaga oo kulan la yeeshay madaxdooda.


In Soomaaliya loo fasaxo lacago xayirnaa, midowga Yurub iyo Mareykanka ay soo celiyaan kabkii iyo lacagihii ay joojiyeen iyo in dalal sida Imaaraadka iyo Turkiga ay kabaan miisaaniyadda 2022-ka, dhammaan waxaa ay ku tusineysaa in Soomaaliga ka gudubtay kalsooni darradii, hubanti la’aan iyo qalalaasihii maaliyadeed ee laga dhaxlay maamulkii Farmaajo.


Madaxweyne Xasan keliya ma soo celin  kalsoonida maaliyadeed ee beesha caalamka, ee waxaa uu qaaday tallaabooyin kuu ifinaya sida maamulkiisa uga go’antahay in la helo maalgeshi gudaha iyo dibadda, sida kulamada uu la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed iyo sidoo kale heshiisyadii dhaqaale ee uu la soo galay inta badan siddeeddii dal ee uu safarrada ku tagay.


 Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u muuqata inuu helay boogta ay ka hormari la’dahay Soomaaliya isaga oo ogaaday in si bulshada loo hormariyo ay muhiim tahay in laga hortago musiibooyinka, lana dhowro cimilada Soomaaliya.


Wasaaradda Bey’ada iyo Cimilada oo uu dhisay iyo wareegtada uu ku meelmariyey madaxda hay’adda maaraynta musiibooyinka waxaa ay tusaale u yihiin inuu u soo jeestay ciribtirka isirka dhibaato kasta oo bulshada heysata.

Post a Comment

0 Comments