Waxaa Garowe maalintii 3aad ku sugan Madaxweyne Xasan Sheekh, oo kulamo joogto ah oo albaabada u xiran kula leeyahay Madaxtooyadda Maamulka Puntland.
Xogaha KON heshay ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu isku dayayo Deni inuu ku qanciyo la shaqeynta dowladiisa, si horey loogu socdo, oo dalka looga gudbiyo xaaladaha amni iyo abaarta.
Deni ayaa qaba tabasho ku aadan in Xasan Sheekh uusan kala tashan magacaabista Xubnaha Puntland ku matelaya dowladda cusub, taasoo keentay in uu xumaado xiriirkiisa Villa Somalia.
Deni ayaa rabey in laga dhigo Ra'iisul Wasaare markii uu ku guuleysan waayay xilka Madaxweynaha doorashadii Muqdisho ka dhacday 15-kii bishii May, waxaana jiray ballamo loo fulin waayay.
Xasan Sheekh ayaa 100-kiisa maalmood ee ugu horeeyay la kowsaday khilaaf uu kala kulmay Puntland iyo Koonfur Galbeed, oo Madaxdooda aan ku qanacsanayn qaab-dhismeedka Xukuumadda.
Lafta-Gareen ayaa aad uga hor-yimid in Roobow Xabsiga laga sii daayo, loona magacaabo Wasiirka Diinta, iyadoo taasoo ku tahay caqabad kursigiisa, maadaama doorasho kusoo wajahan tahay.
Xasan Sheekh ayaan la ogeyn inuu si dhaqso ah ku maareyn karo mushialdaha is-dulsaaran ee Amniga, Abaarta iyo Khilaafka siyaasadeed ay ugu horreeyaan, iyagoo xukunkiisa galay bishii 3aad.
Khilaafka siyaasadeed ee Villa Somalia iyo Madaxda Maamullada ayaa ah caqabad Madaxweyne kasta oo yimaada xalintiisa waqtiga uga dhimaado, iyadoo ka mashquuliyo shaqadda qaranka.
0 Comments