Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray safaaradda Somalia ee Kampala oo muddooyinkii u dambeeyay dib u dhis iyo dib u dayactir lagu sameeyay.
Wasiiro, wakiilo ka socday Baarlamaanka Federaalka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda ayaa ka qeyb galay munaasabadda kooban, iyadoo ay wehliyaan marti sharaf kale.
Madaxweyne Xasan waxa uu mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay ganacsatadii ka qeyb qaadatay dib u dhiska iyo dayactirka xarunta safaaradda Jamhuuriyadda ee Kampala, waxaana uu ku booriyay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, Shacabka waxa uu ku boorinayaa inay dalkooda dhisaan.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia ayaa shahaado sharafyo ku guddoonsiiyay ganacsatadii ka qeyb qaadatay dib u dhiska xarunta safaaradda ee Kampala, waxaana muuqata inay Madaxwaynaha ka goan tahay inuu soo celiyo nabad gelyadii, dalkana dib u dhiso.
0 Comments