Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka hor geynaya Barnaamijka Xukuumaddiisa Dan Qaran ee uu soo magacaabay todobaadkii hore 2-dii Agoosto 2022.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad u jeedin doona Xildhibaannada ka hor inta aan cod loo qaadin kalsooni siinta Xukuumadda, sida uu muujinayo guuxa inta badan Xildhibaannada Xukumada ayaa heli doonta kalsoonida Baarlamaanka 11-aad ee JFS.
Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Wasiirrada magacaaban ayaa maalmihii danbe waday dadaallo ku aaddan sidii ay Xukuumaddu ku heli lahayd codka kalsoonida.
Madaxwaynaha ayaa saacadihii u danbeeyay dadaal xooggan ku bixiyay sidii meesha looga saari lahaa qanaaco la’aan ku aaddan hannaanka awood qeybsiga ee loo xulay Golaha Wasiirada, waxaana xal loo helay tabashooyin ay qabeen beelo iyo shaqsiyaad gaar ah.
Xukuumaddu waxa ay ka kooban tahay 25 Wasiir, 24 Wasiiru Dowle iyo 25 Wasiir ku xigeen, waxaa ku jira xubno ka tirsan Baarlamaanka, shaqsiyaad la soo shaqeeyay xukuumadihii hore iyo dhallinyaro ku cusub siyaadadda sare ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse, waxaa la magacaabay 15-kii Juun wuxuuna 25 June 2022 helay kalsoonida Baarlamaanka, wuxuuna ballan qaaday in Xukuumaddiisu diiradda saari doonto arrimaha hor-tabinta u baahan ee amniga iyo abaaruhu ugu horreeyaan.
Inta badan Xildhibaannada ayaa hadda ku sugan Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa, halkaasoo ay soo gaari doonaan Raysal wasaare Xamse iyo Golihiisa Wasiirrada oo qudhoodu u badan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.
0 Comments