Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la tashiyo la yeeshay culimada somaliyeed, kaasi oo ku aadan la dagaalanka afkaaraha xagjirka ah iyo dib u heshiisiinta Somalida

  

Madaxwaynaha iyo culimadda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada kulan wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culumada uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo adkeynta xiriirka Dawlada iyo culimada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leeyihiin la dagaallanka fikirka xagjirnimada iyo toosinta dowladnimada.


Sidoo kale Madaxwaynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta, waxbaridda iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan gurmadka abaaraha iyo taakulaynta dadka danyarta ah.


Dhankooda culimada uu la kulmay waxay la wadaageen Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo tilmaamay sida ay dowladda ugala shaqeynayaan xaqiijinta “Soomaali heshiis ah.”


Hadaba Dawlada xasan sheekh maxamud waxa ka go,an fikradii somali heshiis ah sidii ay uga midho dhalin lahayd, iyadoo bulshada somaliyeed qaybaheeda kala duwan wada tashiyo kala yeelanaysa sidii dadka somaliyeed loo heshiisiin lahaa.

Post a Comment

0 Comments