Howlaha horyaalla dawlada cusub ee lagu dhawaaqay

  

Dawlada cusub

Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu danbeyn ku dhawaaqay gollihiisa Xukuumadda, kuwaas oo ka kooban  75 xubnood; Ra’iisul wasaare ku xigeen, 25 wasiir, 25 wasiir ku xigeen, iyo 24 wasiiru dowle.


Haddaba gollaha wasiirada cusub howl ceynkee ah ayaa hortaala, maxaase looga baahan yahay si ay miro dhaliyaan howlaha sugaya?


Wasiirada cusub oo ay in ka badan 35 casho qaadatay soo magacaabidooda, ayaa laga filayaa in ay noqdaan kuwo dalka ka samata bixiya xaaladaha adag ee uu ku sugan yahay.


Xukuumadda cusub waxaa laga sugayaa, xaqiijinta amniga oo meel halis ah maraya waqtigan, maaddaama dowladii Farmaajo ay ku fashilantay arrimaha amniga.


Waxaa sidoo kale horyaalla xukuumadda, dhameystirka dastuurka Soomaaliya, oo qabyo ahaa in ka badan 20 sano, xilli dowladihii dalka soo maray iyo barlamanadooda ay ku guul dareysteen dhameystirka Dastuurka.


Ka lib keenida dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, ayaa iyaduna ah howl kale oo culeyskeeda leh, taas oo laga sugayo xukuumadda maanta lagu dhawaaqay.


Gollaha xukuumadda lagu dhawaaqay ayaa laga rajeynayaa in meel wanaagsan ay dalka u jiheeyaan, maaddaama Ra'iisul Wasaaruhu uu la tashiyo fara badan galiyey soo magacaabidooda.


Sidoo kale Madaxweyne  xasan sheekh Maxmauud oo la hadlay xubnaha dowladda cusub ayaa yiri “Shacabka Soomaaliyeed waxa ay idinka filayaan in aad si daacad ah ugu adeegtaan, oo aad ka shaqeysaan sidii aad u xalin lahaydeen dhibaatooyinka ay ku hayaan, taasna waxaa lagama maarmaan ah in dowladdu ay si mas’uuliyad iyo wadajir ah u shaqeyso. "

Post a Comment

0 Comments