God aad u wayn oo aan la garanayn waxa sii fidinaya oo lagu arkay dalka Chile

 

God

Mas'uuliyiinta dalka Chine ayaa sheegay in ay baaritaan ku samaynayaan god aad u wayn oo hoos u qodan oo aan la garanayn waxa uu yahay.


Godkan ayaa dalkaas lagu arkay maalintii Sabtida, waxa uuna ku yaallaa meel u dhow goob macdanta laga qodo oo ku taalla dhinaca waqooyi ee waddankaas.


Muuqaal ay duubtay diyaarad ay kaamiro ku xiran tahay oo nooca uusan duuliye saarnayn ah ayaa muujiyay godkaas oo lagu arkay agagaarka dhul ay macdanta ka qoddo shirkad laga leeyahay Canada.


Arrimaha Mucjisada  ah ee lagula yaabay godkan waxaa ka mid ah in uu marba marka ka dambaysa sii fidayo, iyadoo aan loo jeedin cid qodaysa.


Waaxda Qaran ee Adeegga Dhulka iyo Macdanta ee Chile ayaa koox khubarro ah u dirtay aaggaas, si ay baaritaanno ugu soo sameeyaan.


Godka waxa uu ku yaallaa meel qiyaastii 665km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ee Santiago.


Waxaa la aaminsan yahay in qayb ka mid ah dhulka ay u quustay dhanka hoose, laakiin, lama hayo xog faahfaahsan.


'Aad baan u welwelsannahay'

Godka laga walaacsan yahay waxa uu yahay ayaa ballac ahaan la eg 25 mitir, inkastoo uu sii ballaaran karo mar walba.


"Kani waa godkii ugu waynaa ee dhulka ka qodma oo aan aragno in muddo ah. Aad baan u welwelsan nahay, sababtoo ah waa god sii waynaanaya. Bulshadeenna waligeed ma aysan arkin wax noocan oo kale ah," ayuu yiri Cristobal Zuniga, oo ah duqa magaalada Tierra Amarilla

Duqa magalada


Mas'uuliyiinta dowladda ayaa aaminsan in godkan uu hoos u qodan yahay 200 oo mitir, wixii ka horreeyay Sabtidiina aan la ogayn.


Shirkadda macdanta ka qodda halkaas ee laga leeyahay Canada ayaa sheegtay in aysan jirin cid ka tirsan shaqaalaheeda ama dadka deegaanka oo uu khasaare kasoo gaaray godkaas.

Post a Comment

0 Comments