Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Somalia.


Masuliyin

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Berri ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al-Mawliid.


 War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xamza ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Sacuudiga taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.


Safiirka Sacuudiga ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Xamze xilka ra’iisul wasaarenimo ee loo magacaabay, isagoo muujiyay inuu u rajeynayo inuu ku guuleysto howlaha shaqo ee loo igmaday, isagoo caddeeyay in Sacuudiga uu garab taagan yahay Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments