Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo si rasmi ah xilka ula wareegay.

Masuliyin.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Maxamed Xuseen Roobley oo tan iyo bishii September ee sanadkii 2020-ka soo ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,

 waxaana munaasabadda xil wareejinta goob joog ka ahaa madaxda labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka.

 Sabtidii lasoo dhaafay, baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi, oo 16-kii bishan uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

 Ra’iisul Wasaare Berri ayaa sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad ka shaqeysa tayeynta amniga, wax ka qabashada abaaraha, dhameystirka dastuurka, iyo sidii loo heli lahaa xasilooni siyaasadeed iyo dib u heshiisiin.

Post a Comment

0 Comments