Madaxweynaha
Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali
inuu noqdo La-taliyaha Amniga Qaranka.
Madaxweynaha
ayaa sheegay in Xuseen Macallin Maxamuud uu khibrad iyo aqoon durugsan u
leeyahay qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalkeenna
iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka.
Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa horey u soo noqday La-taliyaha Amniga
Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad, La-taliye Sare oo dhanka Amniga iyo
La-dagaallanka Argagixisada ah Madaxweynihii 8-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya iyo Xubin ka tirsan Golaha Amniga Qaranka.
Waxa uu sidoo kale kasoo qabtay xilal sarsare Hay’adda Nabad-sugidda iyo
Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdiraxmaan
Cabdishakuur Warsame inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha
gurmadka abaaraha Soomaaliya.
Madaxweynaha
ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay kaddib markii uu qiimeeyay baaxadda iyo
culeyska xilligan adag ay dadka Soomaaliyeed kala kulmayaan abaaraha.
Ergeyga gaarka ah ayaa loo xil saaray inuu heer qaran, heer
gobol iyo calami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo
daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi
karo saameynta abaaraha.
0 Comments