Abdiraxmaan oo uu dhinac taagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in uu dadaal badan gelin doono wax ka qabashada xaalada abaareed
ee dalka, islamarkaana ay ka hortagi doonaan inta aysan isku badalin Macaluul.
Waa u guntan doona in aan dadka Soomaaliyeed wax alaale iyo
wixii aan gaarsiin karo gaarsiino, inta aysan isku bedelin Macaluul aan ka
hortagno. Dowladdana waxaa ka rajeynayna in aan garab buuxa ka helno
hay’addaheeda kala duwan, adduunkana aan ka helno,” ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu sheegay in maadama dalka uu ku jiray xili
kala-guur ah aysan jirin taageero ay beesha caalamka ka geysatay xaalada aabaareed
ee dalka, islamarkaana uu taas ka howl-gali doono sida ugu dhaqsaha badan.
“Mas’uuliyada aad na-saartay (Madaxweyne) waxaa ugu shaqeyn
doona si niyad ah Umadda Soomaaliyeed oo adduunka u jeedino baaqiisa, oo dadka
Soomaaliyeed gudaha iyo dibeddaba isku xirkaas aad na-saartay mas’uuliyadeeda.”
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kamid ahaa musharixiintii
mucaaradka ee ka qayb-galay doorashadii madaxtinimo ee 15-kii May, taas oo uu
kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Magacaabistiisa ayaa
kusoo beegmeysa, xilli Soomaaliya ay haatan la daala dhaceyso abaaro baahsan oo
ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.
0 Comments