MADAXWAYNE XASAN SHEEKH OO SII LABANLABAY XIDHIIDHKA SOMALIYA LALAHAYD MARAYKANKA.

Xasan sheekh

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamud oo 15 may 2022 mar labaad loo doortay madaxwaynaha Somaliya aya maraykanka xidhiidhow la yeeshay madaxwayne xasan markii dib loo doortay maraykanku markiiba waxa uu soo celiy ciidankii joogi jiray somaliya ee caawin jiray ciidamada somaliya amniga.

madaxwayne xasan marki ba waa uu u mahad celiyay maraykanka taagerada ciidan ee ay ku garab istaageen somaliya.

dhanka kale markaykankuna xog hayaha arimaha debada aya sidan qoray Waxaan ugu hambalyeeyay doorashadiisa, waxaana aan xaqiijiyay in Mareykanka uu taageerayo dadaallada dib-u-heshiisiinta, amniga, iyo dib u habeynta dhaqaalaha ee Soomaaliya.

dhankale safiirka Somaliya u fadhiya maraykanka aya waysi uu siyay VOA sidan yidhi"Safiirka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo inuu waddanka ku hoggaamiyo qaab wadar-oggol ah.

Waxa uu sheegay in mid ka mid aha waxyaabaha ugu horreeya ee madaxweynuhu uu mudnaanta siinayo ay tahay wax ka qabashada dhibaatada bani’aadminnimo ee ka dhalatay abaaraha.

Safiirka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Lary Andre ayaa rajo ka muujiyey in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu hagaajiyo wada-shaqaynta dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada, iyo in la dhammaystiro dastuurka, wax ka qabashada abaaraha, amniga iyo qodobo kale.


Post a Comment

0 Comments