Heshiis dhex maray Riyaad iyo Muqdisho oo ku saabsan iskaashiga dhanka xoolaha iyo dhoofka xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofiyo Boqortooyada Sacuudiga

Masuuliyin

Mohamed Adam Moallem Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga ayaa la kulmay Wasiirka Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee Boqortooyada Sacuudiga Eng. Abdul Rahman Abdul Mohsen Al-Fadhli.


Wasiirka iyo wafdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Boqor Khaalid ku soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudiga Salem Mao iyo Ibraahim Fahimi oo ah Madaxa Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee Dowladda Sacuudiga.


Labada dal ayaa ku heshiiyey inay iska kaashadaan dhinaca Xoolaha, iyo in la sii wado dhoofinta Xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofiyo Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo saddexdii bilood ee u dambeeyey laga dhoofiyey in ka badan 800,000 oo neef oo isugu jira Geel iyo Ari.


Waxa kale oo ay isla garteen in laga wada shaqeeyo sidii looga hortegi lahaa wax kasta oo carqalad ku ah caafimaadka xoolaha, isla markaana la is dhaafsado khibrado iyo tababaro la xidhiidha horumarinta xoolaha, shaybaadhka iyo ka hortagga cudurrada.

Post a Comment

0 Comments