oo qaada waxyaabaha lagama maarmaanka ah oo kaliya.
Sidaa
darteed reer guuraagu waxa ay sumadda xoolaha u adeegsadaan kolba waxa markaa
la helo: bir la kululeeyey, qori dogob ah oo la shiday, abley dacalka dhegaha
ama sanka loogu jeexo, iwm.
Qoraalkan
waxa aynu ku kaydinaynaa calaamadahaas. Waxana aynu faallo kooban raacinaynaa
xidhiidhka ama isu ekaanshaha ay calaamadahaasi la yeelan karaan calaamado kale
oo adduunka ka jira iyo in ay macno gaar ah samayn karaanba. Sumadaha waxa
loogu dhigaa xoolaha laba siyood:
Gubitaan
neefka xoolaha ah lagu gubo dab, si ay sumaddu marka neefku bogsado ay haragga
uga dul muuqato.
Jeexitaan
ama goyn in ka mid ah hilibka si marka nabarku bogsado ay uga muuqato astaantu
dillaac jidhka dushiisa ah amase dalool meel kaga yaalla neefka.
Inta
badan xilli isku mid ah ayaa xoolahaa sannadkaa kacay oo dhan la suntaa. Waxana
ay ku beegantaa xilli barwaaqo oo xooluhu dhaleen.
Sumaddu
waa inaanay noqon mid dhibaato badan ku keenta neefka marka la suntayo, isla
markaana aan wax yeelin manaafacaadka haraggiisa gaar ahaan adhiga.
Fikirka
casriga ah ee in teleefonka neefka lagu qoraa waxa uu ka hortagayaa in marka la
qalo neefka, haraggiisa uu dhaawac gaadho iyo in neefku xanuunsado kolka la
suntayo ba.
0 Comments