SHEEKO KU SAABSAN DAMEER XANAAQAY.

DAMEER

Waxa layidhi Dameer ayaa nacay magaciisa Ximaar wuxu ka fekeray magaca uu ku bedeli lahaa, wuxuu ku bedeshay Kaluun.waxuu soo qaatay boodh uu ku qoray magaciisa cusub ee”Kaluun”.waxuu soo galay kayntii,nasiib daro magacii cusba looguma yeedhin,lakiin magcii hore logu yiqiin ayaa loogu yeedhay Yaa Ximaar.waxuu yidhi layma yidhahdo Ximaar,ee waxa lay yidhihda Kaluun Boodhkan akhriya ii sudhan qoorta.

Habar dugaagii waxay yirah anagu waxaan kuu naqaana Ximaar oo weligana lagu odhan jiray kadib wu cadhooday wuuna ka tegay oo ka aag bedeshay,meeshu u wareegay waxa kula kulmay Dayeer,dayeerkii waxuu hadal ugu soo horaysiiyay,waar Kaluun xagee ka timid.waxuu yidhi waxan ka imid aaga Hawdka,waxan ka soo cadhoday habar duugag oo an iga xishoon,wayo aniga oo Kaluun ah ayay iigu yedhan yaa Ximaar,yaa Ximaar,yaa Ximaar.

 

Dayeerkii waxuu yidhi, Aniguba waan yaabay,waxaan lahaa Kaluun kii maxaa ka soo saaray Baddii. markaa Duurjoogtu denbi maleh waayo waxay ogyihiin in Kaluunku ku noolyahay Badda,Berigana aanu ku noolan karin.sidaa awgeed waa in aad Kaluun yahow ku noolatid Baddii aad ku noolayd,si lagugu yeedho Kaluun.Dameerkii intuu ciyay!oo ciyay!oo farxay,ayuu orday ilaa uu ka galay Baddii oo ku qurqoomay miskiin halkibu ku dhintay hadalna ku dhamaday.

 


Post a Comment

0 Comments