CALAAMADAHA DADKA INDHEER GARADKA AH

smart people


Waa dad madax adag neceb awaamiirta iyo in wax la faro waxayna jecelyihiin in ay sameeyaan wixii ayaga la wanaagsan.

Waa qof jecel akhrinta taariikhaha, falsafadda iyo kutubta waawayn waxaana caado u ah aadna u xiiseeyaan wax akhrinta.

Badanaa waxaa soo wajaha qofkaan caaqilka ah mashaakil dhanka bulshada ah waayo dadku ma jeclo qof ka duwan ayaga ama qof gooni socod ah aan dad soo dhexgalkiisu badnayn.

 Inta badan qofkaan su’aalo ayuu is waydiiya ama wuxuu la sheekaystaa ooo su’aalo waydiiyaa naftiisa.


Qofkaan isagu isuma arko mid caqli badan si hoose ayuu naftiisa ugu dhalliilaa caqliyaraan marar badanna wuxuu is bar bar dhigaa caqli badnaanta ay dadku ku sheegaan iyo waxa uu isagu naftiisa ku arko.


 Qofkaan ma ahan mid hadal badan waana mida keenta in dad badan ay ula baxaan naanayso ayagoo ku tilmaama qof aan ilbax ahayn oo danbeeya.


Dadka caqliga badan waa dad saaxiibo yar mana ogola in qofkasta uu noqso saaxiibkood in badan ayayna ka fikiraan qofka ay la saaxiibayaan.


Waa dad naxariis badan oo u damqada masaakiin ayagoo ula dhaqma sidii ay jeclaan lahaayee in loola dhaqmo iyagoo marxaladaasi mid lamida ku sugan.

Post a Comment

0 Comments