Arsenal oo xalay u awood shegatay chelsea oo ku garacday 4 gool

kante

 

Andreas Christensen ayaa sheegay in xiddigaha Chelsea ay qolka labiska kuwa da hadleen iyagoo su’aalo iska weydiiyay sidii ay ku dhacday in afar gool ay ka dhaliso Arsenal kulankii xalay ee ay Arsenal 4:2 ku badisay.

Blues ayaa garoonkeeda Stamford Bridge lagu jiid-jiiday mar kale iyadoo goolal badan laga dhaliyay bishaan gudaheeda.


Chelsea ayaa sidoo kale afar gool gurigooda looga dhaliyay kulankii ay Brenford la ciyaareen bilowgii bishaan April.

Ka dib waxa u ogolaadeen inay Real Madrid seddex gool ka dhaliso kulankii Champions League.

Waxay taasi la micno tahay in Blues 11 gool laga dhaliyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay Stamford Bridge ku ciyaareen oo seddexduba laga badiyay.

Laakiin Christensen ayuu ahaa xiddigii albaabaha u furay Arsenal iyadoo xiddiga reer Denmark la bedelay waqtigii nasashada.

Thomas Tuchel ayaa diiday inuu dhaleeceeyo daafaca ka dib ciyaarta isagoo taas bedelkeeda ku marmarsiyooday cawska Stamford Bridge.

Si kastaba, Christense ayaa aaminsan in Blues ay u baahan tahay inay dib isku uruuriso oo ay qiimeeyaan xaaladooda ka dib dood kulul oo ka dhacday qolka labiska xalay.

Daafaca dhexe ayaa yiri: “Tan iyo markii uu Thomas yimid kooxda, waxaan aheyn kuwa difaac ahaan xoogan.

“Waxay taasi udub dhexaad u aheyd ciyaarteena madaama aan ogeyn tayadeena afka hore ee goolasha dhalin kara.

“Inaan daafaca ka adkaano waxay mar walba inoo aheyd muhiim laakiin dhawaanahaan cagsigeeda ayaan sameyneynaa.

“Dood ku saabsan arintaan ayaan ku yeelanay qolka labiska, sababtoo ah 10 gool ka badan ayaa naga dhashay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee gurigeena, taasina ma ahan wax fiican.

“Balse qaladaadkeena joogsi ma laheyn, waana ay inagu adkeyd inaan soo kabsano.”

Post a Comment

0 Comments