Madaxwayne Xasan sheekh ayaa u balan qaaday jaliyada somaliyeed ee Uganda in wasaaradda waxbarashadu ay Kampala ka furi doonto iskuullo Afka Soomaaliga iyo taariikhda sooyaalka Soomaalida lagu barto

  

Madaxwayne Xasan sheekh


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galinkii danbe ee shalay gaaaray magaalada Kampala,  ayaa la hadlay masuuliyiinta safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.


Madaxweynahu waxa uu aad u amaanay firfircoonida jaaliyadda Soomaaliyeed reer Uganda ayaa soo hadal qaaday muhiimadda ay leedahay in la weyneeyo oo dunida la gaarsiiyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed.


Madaxwayne Xasan sheekh ayaa balan qaaday in wasaaradda waxbarashadu ay Kampala ka furi doonto iskuullo Afka Soomaaliga iyo taariikhda sooyaalka Soomaalida lagu barto, Si ay caruurta Somaliyeed dhaqankooda u bartaan.


Madaxwayne Xasan shekh Maxamud ayaa sidoo kale waxa uu balan qaaday in Cadowga nagu habsaday uu inaga dul qaadayo, Soomaaliya oo nabad ah oo shucuubta dunidu u soo dalxiis tagto, uu ku dadaalo inuu sameeyo, wuxuna shacabka somaliyeed ka codsaday inay si wadajir ah uga shaqeeyaan.


 Intaas ka dib Madaxwayne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.


Madaxweynuhu wuxuu hoggaanka Uganda uga mahadceliyay kuna bogaadiyey mowqifka ay ku taageereen codsiga dowladda Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo doorkooda ku aaddan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.


Madaxweynaha Soomaaliya inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb gali doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo la gorfeyn doono iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka labada dal.

Post a Comment

0 Comments