Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay shirka Madasha Ganacsiga Uganda iyo Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud waxa uu khudbad ka jeediyay shirka Madasha Iskaashiga dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Uganda waxana uu ka hadlay hirgelinta iskaashiga ay labada dal gaareen oo ay uga faa’ideysanayaan fursadaha iyo in ay ka qeyb qaataan kobaca dhaqaalaha iyo is dhaafsiga ganacsiga.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday guulaha la gaaray tan iyo markii ay Soomaaliya iyo Uganda ay kala saxiixdeen heshiis 2016-kii, kaasoo horseeday horumarinta is dhaafsiga ganacsiga ee labada dal, fududeynta isu socodka iyo duulimaadyada tooska ah, mataaneynta jaamacadaha, iyo iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda iyo amniga. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda martigelinta madashan.
Shir ay guddoominayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa waxaa ganacsatada labada dal ay kaga wada hadleen sidii loo kobcin lahaa maalgashiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha, abuurista shaqo shaqo oo dhalinyarada loo sameeyo.
Intii uu socday shirka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda ayaa Wasiirka Ganacsiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdul Rashiid waxa uu heshiis iskaashi dhanka dhaqaalaha ah la saxiixday dhiggiisa Uganda Mwebisa Francis, iyadoo dhanka kale uu u saxiixay Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya. Asad Yusuf iyo dhiggiisa Uganda Rwakamba Morrison iyo rugaha ganacsiga ee labada dal ayaa heshiisyo kale oo fududeynaya ganacsiga iyo is dhaafsiga khibradaha.
Madaxweynayaasha Somalia & Yugandha ayaa faray Wasiirada labada dal in ay xaqiijiyaan dhaqan gelinta heshiisyadii iyo talooyinkii ay soo saareen Madasha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, isla markaana ay dib u eegis & dabagal ku sameeyaan xilliyada qaar.
0 Comments