Xasan Sheekh: Isma-dhiibayno, ee waan dagaalamynaa

    

Madaxwayne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa sheegay Maanta in ay ka go’an tahay in la wiiqo awoodda Al-Shabaab, lagana xoreeyo dalka oo dhan mudo kooban.


Khudbadiisa Maanta ayuu kaga codsaday shacabka inay u diyaar garoobaan dagaal ballaaran, oo ka dhan ah Al-Shabaab, oo dhawaan weerar culus ku qaaday hotel Xayaat, oo ku dishay 21 qof.


Hadalkaan ayuu sheegay Madaxweynaha kadib markii uu la kulmay Gudiga Amniga Qaranka, oo kala hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo sugida amniga dalka, oo hadda khatar wayn ku haysa Al-Shabaab.


Xasan Sheekh ayaa xusay in Ciidanka ay u diyaar-garoobeen dagaalka dalka lagu xoreynayo, isagoo tusaale usoo qaatay howlgallada ka socda gobolka Hiiraan, oo Al-shabaab meel badan looga saarey dhawaan.


Dhanka kale, Aadan Madoobe, Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ayaa sheegay in ay jiraan dad la shaqeeyo Al-Shabaab oo u fududeeya Kooxda weerarada, waxaana uu ku baaqey marka hore cadowgaas qarsoon in lala dagaalamo.

Post a Comment

0 Comments