Ma run baa in qofka qaxwada caba aysan ku dhicin cudurrada halista ah?

 

Qaxwe ama Coffee

Marar badan waxaan helnaa xogo ku saabsan saamaynta dhinaca caafimaad ee raashinka iyo cabitaannada, daraasado kala duwanna waa laga sameeyay.


Mid ka mid ah waxyaabaha bani’aadanka ku saabsan ee sida aadka ah loo darsay waa qaxwada (Coffee).


Hadda markii aad aragtay magaca waxaaba suurtagal ah in aad dareemayso baahi aad u qabto qaxwada, ama aad qorsheyneysay inaad hal koob ka cabto mar dhow. Dabcan dad badan ayaa kula qaba rabitaankaas.


Laakiin waxaa laga yaabaa in aadan wax badan kala socon sheekooyinka la xiriira Caafimadka ee salka ku haya qaxwada, haddii ay yihiin dhinaca wanaagsan iyo dhinaca xun labadaba.


Waxaa nala siiyaa macluumaad iska hor imaanaya oo ku saabsan qaxwada. Mararka qaar waxay qubaradu sheegaan in uu halis ku yahay caafimaadkeenna, mararka qaarna waxay ku doodaan in uu faa’iido u leeyahay jirkeenna.


Waxaan la hadalnay seynisyahan cilmibaarista qaxwada samaynayay muddo dheer.


Qaxwada iyo cimriga

Daraasad laga sameeyay qaxwada oo bishii July ee sanadkan lagu daabacay wargayska caafimaadka ee “The Annals of Internal Medicine” ayaa lagu sheegay in qofka joogteeya uu mar walba dhallinyaro u muuqanayo.


Dad gaaraya qiyaastii 200,000 ayaa laga qayb geliyay daraasaddaas oo socotay muddo 10 sano ah.


Cilmi-baareyaasha ayaa ogaaday in dadka maalintii caba hal koob iyo bar ilaa saddex koob oo qaxwo ah, hal qaaddo oo sokor ahna ku darsada ay ka caafimaad badan yihiin dadka aan qaxwada cabin.


Waxay sheegeen in dadkan oo aysan ku dhicin xanuunno badan. Qiyaastii 30% ayay dadka kale uga dhow yihiin xanuunnada halista ah.


Waxaase kasii caafimaad badan kuwa qaxwada caba iyagoo aan wax sokor ah ku darin, ugu yaraan saddex koobna ka caba maalintiiba, sida ay daraasadda shegetay.


Tani ma aha daraasaddii ugu horraysay ee war farxad leh u sheegta dadka cabitaanka qaxwada caadaystay.


Sanadkii 2018, daraasad kale ayaa xog ka aruurisay in ka badan 500,000 oo qof, kuwaasoo muddo 10 sano ah lagu samaynaysay cilmi-baaris. Sidoo kale daraasaddaasna waxay muujisay in dadka qaxwada joogteeya ay 16% ka caafimaad badan yihiin kuwa aan qaxwada cabin.


Taasi waxay muujisay in kumannaan maaddo oo ku jira qaxwada ay waxtar u leeyihiin jirka bani’aadanka.


Hase yeeshee, dad badan ayaa wali aaminsan in qaxwada ay halis caafimaad leedahay, mar walbana waxay ku taliyaan in aan joojinno.


Maxaa run ah?

Dr. Esther López García, oo ah barfasoor cilmiga caafimaadka ka dhiga jaamacadda Madrid, ayaa BBC-da ku yiri: “Muddo dheer gudaheed, fikirka aan ka qabno saamaynta caafimaad ee qaxwada wuxuu isu badbaddalayay si layaab leh.”


“Daraasad ballaaran, oo billaabatay 2003-dii, oo loogu kuur galayay cabitaanka joogtada ah ee qaxwada iyo saamaynta uu ku leeyahay caafimaadka, sida xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo cudurka wadne xanuunka ama sokorowga,” ayuu yiri Dr. García.


“Kaddib markii si habboon loo eegay qaxwada oo la barbar dhigay waxyaabo kale oo saameeya caafimaadka, sida tubaakada ama sigaarka iyo aalkolada, waxaa la ogaaday in uusan wax dhib ah ku jirin qaxwada. Waxaa xitaa la ogaaday in qaxwada ay ka hor tagto cudurro halis ah oo ay ka mid yihiin sokorowga, qaybtiisa 2-aad, iyo dhiig-karka,” ayuu yiri.


Seynisyahankan ayaa noo sheegay in qofka qaxwada badan istimaala xitaa jirkiisa uu u adkaysan karo dhibaatada uga imaan karta cabitaankan.


Waxaa laga yaabaa in qaxwada horay looga aaminsanaan jiray fikrado xun, maadaama ay ku jirto maaddo loo yaqaanno “caffine” oo sababta hurdo la’aan iyo walwal.


Balse Barfasoor García waxa uu qabaa in dadka uu caafimaadkooda taamka yahay ay “faa’iido caafimaad ka heli karaan” cabista 3 ilaa 5 koob oo qaxwo ah maalintiiba.

Post a Comment

0 Comments