Ciidanka NISA oo fuliyay howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Al Shabaab

 




Ciidanka nabadsugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka

Ciidanka nabadsugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumalaysanayeen xubno katirsan kooxda Al Shabaab.


Howlgalkaan, ayaa yimid kadib markii ciidamada ay heleen xog sheegaysa

Howlgalkaan, ayaa yimid kadib markii ciidamada ay heleen xog sheegaysa in Al Shabaab ay dhagar u soo maleegaayaan shacabka ku nool deegaannada nabadda ah ee horay looga xorreeyey, kuwaas oo isku aruursanayey Tuulo Mabaax oo Hiiraan ah iyo Tawakal oo Shabeellada Dhexe ah.


Saraakiisha ciidamada nabadsugidda ee howlgalkaan hoggaaminaysay

Saraakiisha ciidamada nabadsugidda ee howlgalkaan hoggaaminaysay ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in ay dileen tiro maleeshiyaad ah sidoo kalana ay burburiyeen dhowr, fariisimo oo ay ku sugnaayeen kooxda Al Shabaab .


Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawuusleyda, ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab kawada deegaanno katirsan gobolka Hiiraan, kooxda Al Shabaab ayaana isku dayeysa in ay dib ugu soo laabtaan una qabsadaan deegaanno katirsan gobolka Hiiraan oo horey looga saaray.



Post a Comment

0 Comments