Maxamed Maxamed oo ah wiil muslim ah
Maxamed Maxamed oo ah wiil muslim ah oo ku nool magaalada Southhampton ee dalka Ingiriiska ayaa kaalinta afraad ka galay tartanka orodada ee Ingiriiska oo ka dhacaayay bishaan April magaalada London.
Maxamed waxuu noqday orodyahankii saddexaad ee ugu dhakhsaha badnaa dhanka oroddada ragga taariikhda Ingiriiska ee abid. Waxuu orday labo saacadood, todoba daqiiqo iyo shan second [2:07:05] sagaal iyo taban ilbiriqsi oo qudha ayuu ka danbeeyay saaxiibkiisii carruurnimada Emile Cairess oo ku jira kaalinta saddexaad waxayna labadooduba sameeyeen taariikh.
Waana markii ugu horreysay labo orodyahan oo ka socota hal magaalo ay ku wada dhammaystaan afarta qof ee ugu sareysa tartanka tan iyo 1988-dii. Tani waxay Mahamed ka dhigeysaa orodyahanka seddexaad ee ugu dhaqsiyaha badan ee ragga Britishka ah ebid, ka dib Sir Mo Farah iyo saaxiibkiis.
Orodyahanka asal ahaan kasoo jeeda dalka Itoobiya ayaa
Orodyahanka asal ahaan kasoo jeeda dalka Itoobiya ayaa ka qeyb galay Iskuulka Cantell isaga iyo walaalkiis ka yar, Zak Mahamed, kadib markii uu u soo guuray Ingiriiska sanadkii 2011-kii. Warraysi uu bixiyay sanadkii 2019-kii ayaa lagu sheegay in walaalaha ay ku koreen baacsiga xayawaanka duurjoogta ah iyagoo ilaalinaya lo'da, idaha iyo riyaha Itoobiya.
Orodyahankaan ayaa sheegay in daawashadii ciyaarahiii Olombikada London ee sanadkii 2012-kii ay dhiirigeliyeen isagoo sheegay in uu sugi la’aa in uu mar uun ka qaybgalo ciyaaraha orodka.
Maxamed ayaa noqday xidig dhanka orodka ah kooxda ciyaaraha ee Southhamton, waxuuna ku kuu guuleystay tartanka orodyahanada da’da 17 sanno jirka ka yar 2015-kii mar labaad tartanka 20 sanno jirada ka yar, mar saddexaad tartanka gobolada ee guud ahaan dalka ingiriiska ayuu 2018-kii ku guuleystay.
Kaalintaan uu galay Maxamed waxay u horseedaysaa in uu noqdo orodyahanada uga qayb geli doona Ingiriiska ciyaarahaa Olombikada ee Paris sanadkaan ka dhici doona. Waxuu sheegay in uu muddo kasoo shaqaynaayay tan in ay u rumowdo haddana farxdadiisu aad u weyntahay si walbana ugu faraxsanahay dadaalkiisa iyo shaqada uu halkaan ku yimid.
Waxa uu sidoo kale ku guuleystay Horyaalnimada Sare ee Qaranka
Waxa uu sidoo kale ku guuleystay Horyaalnimada Sare ee Qaranka Ingriiska ee 2019, iyo mar labaad 2022. Sanadkii lasoo dhaafay waxuu kaalinta labaad kasoo galay Tartanka Orodka weyn ee dhexe ee London waxuuna ka horeeyay Orodyahanka caanka ah ee Soomaaliyeed una orda qaranka Ingiriiska ee Mo Farah.
Mar walba si wada jir ah ayaan horumar u sameyn jirnay marka waa wax cajiib ah in aan aragno isaga oo si fiican u shaqeynaya.” Waxaa sidaan yidhi Emile Caires oo kaalinta saddexaad galay isna dibna u milicsnaya siday usoo wada dadaaleen iyo noloshoodii orodka.
Kaalintaan uu galay Maxamed waxay u horseedaysaa in uu noqdo orodyahanada uga qayb geli doona Ingiriiska ciyaarahaa Olombikada ee Paris sanadkaan ka dhici doona. Waxuu sheegay in uu muddo kasoo shaqaynaayay tan in ay u rumowdo haddana farxdadiisu aad u weyntahay si walbana ugu faraxsanahay dadaalkiisa iyo shaqada uu halkaan ku yimid.
Waxa uu sidoo kale ku guuleystay Horyaalnimada Sare ee Qaranka Ingriiska ee 2019, iyo mar labaad 2022. Sanadkii lasoo dhaafay waxuu kaalinta labaad kasoo galay Tartanka Orodka weyn ee dhexe ee London waxuuna ka horeeyay Orodyahanka caanka ah ee Soomaaliyeed una orda qaranka Ingiriiska ee Mo Farah.
“Mar walba si wada jir ah ayaan horumar u sameyn jirnay marka waa wax cajiib ah in aan aragno isaga oo si fiican u shaqeynaya.” Waxaa sidaan yidhi Emile Caires oo kaalinta saddexaad galay isna dibna u milicsnaya siday usoo wada dadaaleen iyo noloshoodii orodka.
0 Comments