Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65 sano guurada ka soo wareegatay maalinka xoriyadda iyo midnimada qaranka awgeed waxa uu Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.


Ubax-dhigga Taalada Daljirka

Ubax-dhigga Taalada Daljirka ,waxaa ku weheliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cabdullaahi Cismaan oo salaan uga qaadayey cutubyo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sannad kasta maalmaha xuriyadda gaar ahaan 26-ka Juub iyo 1-da Luulyo, waxa uu uabax dhigaa taalootinka Dhagax-tuur iyo Daljirka Dahsoon, halkaas oo ay ka dhacaan munaasabado kooban.




 

Post a Comment

0 Comments