Ma waxaa la gaaray wakhtigii uu Messi ka fadhiisan lahaa cayaaraha

 




Laacibka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa lagu wadaa

Laacibka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa lagu wadaa in uu ka dhaqaaqo kooxda Reer Maraykan ee Inter Miami oo martigelisay guul darro ka soo gaadhay PSG. Messi ayaa soo bandhigay mid ka mid ah xirfadihiisii layaabka lahaa.


38 jirkan ayaa lagu wadaa in aanu si dhib yar ciyaaraha uga fadhiisan iyada oo laga yaabo in uu u dheelo qarankiisa Koobka Adduunka ee sannadka 2026-ka. PSG waxa ay ku jirtaa qaab ciyaareed heer sare ah. Dad badan ayaa tigidhada u goosta si ay u daawadaan Messi oo markan da'da 40-ka u sii siqaya," ayuu yidhi madaxa Inter Miami Javier Mascherano, kaddib ciyaar ay daawadeen 65,574 oo taageerayaal ah.


Daafaca kooxda PSG ee Lucas Beraldo ayaa isna sifeeyay oo yidhi "Leo waa shaqsiyad gaar ah, in aan la ciyaaryo isaga waxa ay ahayd mid cajiib ah, waxa aan ahaa ilmo yar oo ku barbaaray daawashada xirfadiisa mucjisada ah.


Xaggee ku dambayn doonaa mustaqblka Messi?

Laacibka ay isku dal ka soo wada jeedaan ee Nicolas Otamendi iyo saaxiibkiisa wakhtiga dheer ee Luis Suarez ayaa labaduba filaya in mustaqbalka ciyaareed ee ciyaaryahankan aanay weli fari ka qodnayn. Guillem Balague oo buug ka qoray ninkan siddeedda jeer ku guuleystay Ballon d'Or ayaa yidhi "qofna ma garanayo mana saadaalin karo Messi."


Aragtidaas mid la mid ah waxa qaba suxufi reer Spain oo maqaal ku daabacay BBC-da ka hor kulankan, waxaanu sheegay in qoyska Messi ay degeen Miami, taasa loo fasiran karo mid suurtagal ka dhigi karta wadahadallo uu ku sii joogi karo kooxdaasi.


Messi ayaa xaqiijiyay riyadiisii ugu weynayd oo ahayd in uu ku guulaystay hanashada koobkii adduunka ee lagu qabtay Qatar 2022-kii – isaga oo meesha ka saaray dooddii ugu weynayd ee ahayd in loo aqoonsan karo xiddigii ugu fiicnaa abid. Ma jiro qof weligii ku guuleystay laba koob adduun isagoo kabtan ah.


Qaab-ciyeedkii cajiibka ahaa Messi

Intii ay ciyaartu socotay waxaa jirtay hal mar oo uu Messi dul istaagay laad xor ah oo ay ka harsaneyd shan daqiiqo markii uu dareemay qof walba in uu doonayo in uu gool dhaliyo – laakiin darbiga ayuu ku dhuftay. Aad buu u xirfad sarreeyaa. Maanta oo dhan garoonka ayuu ku dhex wareegayaa laakiin marka ay kubaddu cagihiisa taabato ayuu la dhaqaaqayaa," ayaa uu yidhi difaacii hore ee kooxda Chelsea, John Mikel Obi oo ciyaartan daawnayay.


Kubadda cagta ma ilaawi doonto Messi, kaasi oo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Barcelona (672), Argentina (112) iyo Inter Miami (50).Ha se ahaatee, waxa hubaal ah in xilligan ay da'du tahay arrin muhiim isaga oo jira 38 sano. Waxa cajiib ah in waayihiisa ciyaareed ee 1,109 kun oo uu saftay, haddaba markii kowaad ayaa uu ka hor yimid koox uu hore ugu dheeli jiray.


PSG oo ahayd kooxdii uu lku soo qaatay waayihiisa ciyaareed mid ah mid ah ayaa ku jirtay xilli wanaagsan tan iyo markii uu ka tagay oo xilligaas u dhaliyay 32 gool kaddib 75 kulan oo ciyaaray. Laakiin waxa uu ku guuldarraystay in uu ka caawiyo ku guuleysiga Champions League. Ugu dambayntii waxa ay ku guulaysteen xilli ciyaareedkan iyaga oo ay ka maqan yihiin xiddigo magacyo weyn oo ay ka mid yihiin Messi, Neymar iyo Kylian Mbappe oo dhammaantood isaga dhaqaaqay garoonka The Parc des Princes.


Messi ayaa muujiyay in uu weli yahay laacib ku jira qaab-ciyaareed wanaagsan tartammada Maraykanka kaddib markii uu laadka xorta ka dhaliyay Porto wareegga group-yada. Qaybtii dambe waxa ay PSG u ahayd xilli nasiino ah maaddaama ay afar jeer oo hore soo taabatay shabaqa. Taasi waxay fursad siisay Messi iyo kooxdiisa Inter Miami kubbadu ay cagtooda ku jirtay in muddo ah.


Laacibka Reer Argentina ayaa isku in uu dhaafo daafacyada kooxda ka soo hor jeedda isaga oo hdex maray dfaacyo dhowr ah ugana sii guday diillinta ganaaxa markaas oo darbeeyay kubbad cajiib ah oo dadka qaarkiis ay ku xasuusteen goolkii finalka Champions League ee 2009-kii ay Barcelona ka dhalisay Manchester United.


Waxaan u maleynayaa in Leo uu ciyaaray kulan aad u fiican, oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan," ayuu yidhi saaxiibkiisii hore ee Barcelona - Mascherano. Qaybtii labaad, waxay u muuqatay in uu yaraaday cadaadiskii ba'naa ee ay Paris saaraysay, waxaanu helay fursado badan. "


Waxay u muuqataa in tani ay noqon doonto kulankiisii ugu dambeeyay ee taageerayaashiisu ka daawadaan adduunka oo dhan kulan ka tirsan Koobkan Marmite Fifa Club World Cup. Haddii uu sii joogo Inter Miami waxay u badan tahay in sida caadiga ah u uku ekaado heerka naadiyada ee ciyaaraha Waqooyiga Ameerika. Tartankaan dib looma ciyaari doono ilaa 2029, markaasi oo Messi uu noqon doono 42 jir.


Post a Comment

0 Comments