Wiil Soomaali ah oo geestay dil gilgilay Britain oo loo masaafuriyay Soomaaliya

 




Hanad Xasan oo toorreey ku dilay wiil la oran jiray Kiyan Prince

Hanad Xasan oo toorreey ku dilay wiil la oran jiray Kiyan Prince, waqooyi-galbeed UK ayaa loo masaafuriyay Soomaaliya sida uu qoray wargeyska The Irish Sun.


Hanad waxa uu Kiyan Prince ku dilay bannaanka iskuulkii ay dhiganayeen iyadoo lagu xukumay ugu yaraan 13 sano markaa kadibna la eegayo hab-dhaqankiisa xabsiga.


Maganglayo la siiyay sanadkii 2001-dii ayuu dalka ku joogay Hanad oo ka soo jeeda Soomaaliya. Balse shan sano kaddib waxa uu dilay Kiyan oo ka mid ahaa ciyaartoyda da’yada yar ee naadiga QPR. Ciyaartoyga oo xiligaas jiray 15 sano ayaa isku dayay in uu kala dhexgalo dagaal socday.


Hanad waxa uu jiray 17 sano, waxaa uuna Kiyan wadnaha ka geliyay tooreey bishii May sanadkii 2006-dii. Dilka oo ka dhacay xaafada Edgware oo ku taal Waqooyi Gableed London waxa uu noqday mid si weyn u gilgilay Britan.


Waxaa Hanad lagu xukumay 13 sano iyadoo sanadkii la soo dhaafay loo diiday in la sii daayo

Waxaa Hanad lagu xukumay 13 sano iyadoo sanadkii la soo dhaafay loo diiday in la sii daayo. Sababta loogu diiday in la sii daayo ayaa la sheegay in ay la xiriirto kaddib markii la ogaaday in uusan wax horumar weyn ah sameyn mudadii uu xirnaa iyadoo uu si aan qumaneyn ula dhaqmi jiray qaar ka mid ah shaqaalaha xabsiga.


Naadiga Queens Park Rangers oo magacooda loo soo gaabiyo QPR waxay u bixiyeen garoonkooda Kiyan Prince sanadkii 2019-kii kaddib markii taageerayaasha naadiga ay u codeeyeen balse saddex sano kaddib ayey dib ugu soo celiyeen magacoodii hore ee Loftus Road.


Sababaha keenay masaafurinta waxaa ka mid ah sida dilka u dhacay oo aheyd arrin murugo leh oo qof da’ yar naftiisa ku waayay iyo horumarka yar uu sameeyay intii uu xabsiga ku jiray iyo cadeymaha kale ee la geliyay diwaankiisa. Guddiga sii deynta ayaan ku qancin in Hanad uu yahay qof ku haboon in bulshada uu dib ugu laabto.


Kaddib xariggiisa waxaa ka hadlay garsoore Judge Paul Worsley oo sheegay in ay tahay wax aad uu xun oo khalad ah in aad disho qof aan waxba kaa sameyn oo ahaa 15 jir ciyaal iskuul caan ahaa kaas oo ku yaqanay.


Sidee dilka u dhacay?

Marka dilka dhacayay Hanad Xasan waxaa uu jiray 17. Waxa uu Kiyan ku weeraray tooreey uu wadnaha ka geliyay kaddib markii Kiyan uu isku dayay in uu kala dhexgalo dagaal ka dhacay dugsiga London Academy School ee ku yaal xaafadda Edgware bishii May ee sanadkii 2006-dii.


Hanad ayaa oggolaaday in uu dilka geystay balse diiday in uu si ula kac ah u dilay, wuxuu ku dooday in ay aheyd dhacdo si kam ah ku timid. Labadii bishii July ayuu xukunkiisa dhacay. Maxkamadda waxa ay u sheegtay markaas in uu 13 sano falkaas u galo xabsi.


Inta badan marka qofka xabsiga dhameysto, dhaqankiisuna fiican yahay oo guddiga ku qancaan waa la sii daayaa. Haddii dhaqankiisa sidii hore uu u xun yahay waxaa dhacda in aan loo oggolaan qofkaas in uu ku laabto bulshada.


Hanad iyo Kiyan iskuulka ayey wada dhiganayeen balse hal sano ayuu Hanad ka sareeyay Kiyan. Si xoog leh ayuu u soo qabtay kaddibna waxa uu ula soo baxay middi uu ku tilmaamay in ay ay tahay mid yar oo lagu ciyaaro taas ayuuna kaddib wadnaha ka geliyay.


Sidoo kale waxaa maxkamadda laga sheegay in labo toddobaad ka hor markii uu falkaas geyestay uu gabar kale ugu hanjabay in uu mindi gelinayo kaddib markii labo koox oo iska horjeeda ay ku murmeen kuraasta baska.




Post a Comment

0 Comments