Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada London u gaaray

madaxweyne

 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada London u gaaray


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada London u gaaray sidii uu ula qeybsan lahaa shirka sugnaanta cunnada adduunka oo uu la yeelanayo Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak, Imaaraadka Carabta, Hay’adda Maalgashiga Carruurta, iyo Hay’adda Bill & Melinda Gates.
Shirkan oo lagu wado in maanta oo Isniin ah lagu qabto magaalada London ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dowladda,


hay’adaha gargaarka, saynis yahannada ka qeyb qaadanaya cilmi baarista caalamiga ah

hay’adaha gargaarka, saynis yahannada ka qeyb qaadanaya cilmi baarista caalamiga ah, khubarada cimilada iyo cunnada.
Shir-madaxeedkan ayaa waxaa ka mid ah kulamo kala duwan oo diiradda lagu saarayo hab-dhaqannada hal-abuurka leh ee beeraha, beeraha u adkeysan kara cimilada, iskaashiga caalamiga ah si loo qoondeeyo kheyraadka, iyo taageerada dalalka sida Soomaaliya oo kale ah, kuwaas oo safka hore kaga jira dagaalka sugnaanta cuntada sababo la xiriira juqraafi, bulsho iyo siyaasadeed.

Ra'iisul Wasaaraha Britain ayaa carrabka ku adkeeyay baahida




Ra'iisul Wasaaraha Britain ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo tallaabo caalami ah oo wax looga qabanayo sababaha inta badan aan la arki karin ee salka u ah cunno yarida caalamka.
Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, falanqayntii ugu dambeysay waxay muujineysaa in intii u dhaxeysay bilihii Abriil iyo Juun 2023, qiyaastii 6.6 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay la kulmeen heerar sare oo cunto yari. 

Post a Comment

0 Comments