Cali Iidow Xasan waa cayaartoy cayaara cayaaraha fudud wuxuuna ordaa oroddada dhexe ee 800 iyo 1500 mitir.
Isaga iyo Nasro Abuukar cali ayaa ku matalayey Soomaaliya cayaaraha Jaamacadaha ee ka socda magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha, hase yeeshee Nasra kuma aysan guulaysan inay soo baxdo, waxayna dood xoog badan ka dhalatay qaab cayaareedkada.
Jaraa’idka wax ka qoray qaab cayaareedka Nasra waxay su’aal galinayeen sida ay tartankan ugu soo baxday, ayadoo 22 seken ku dhamaysay, halka gabadha ku guulaysatay wareegaas oo ah orordyahanad u dhalatay Brazil oo la yiraahdo Gabriela Silva Mourao ay ku orodday 11:58.
Wargaysyadaas midkood ayaa cinwaan ka dhigtay “Nasra Abukar oo Soomaaliya ka socota waxay ‘jabisay rikoorka wakhtiga ugu gaabiya ee 100ka mitir’ baaritaan ayaa la bilaabay
Cali wuxuu isagu ku guulaystay kaalinta 4aad
Cali wuxuu isagu ku guulaystay kaalinta 4aad, mid ka mid ah wareegyadii isreebreebka ee uu shalay orday.
Wuxuu sidaa ugu soo baxay orodka kama dambaysta ah ee 1500 mitir ee taratanka jaamacadaha ee ka socda Shiinaha.
Cayaarahan ayaa qorshuhu wuxuu ahaa in la qabto xilligii Koroonaha ka horreeyey, waxaase dib loo dhigay markii uu cudurkaas dunida ka dillaacay, ayadoo la qorshaynayey in lagu qabto magaalada Yekaterinburg.
Magaaladaas ayaa laga xayuubiyey xuquuqdii ay u lahayd marti gelinta cayaaraha jaamacadaha ee caalamka ka dib markii uu Ruushku weeraray Ukraine.
Cali oo ka qayb galaya cayaarihii lagu qabtay Tokyo.
Cali waa 24 jir ku dhashay magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Si ka duwan Nasra, Cali waa orodyahan marar badan Soomaaliya ku matalay tartammo caalami ah, waxaana isaga soo xushay Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya.
Cali iidow wuxuu hore uga soo qayb qaatay cayaaro calami iyo kuwo heer gobol oo lagu kala qabtay Jabuuti, Tokyo, Mauritius, Morocco, Gabon, Azerbaijan, iyo shiinaha oo uu hadda joogo.
Wuxuu orodkiisa ka bilaabay Soomaaliya isaga oo ka qayb qaatay tartankiisii u horeeyay ee caalami ah
Wuxuu orodkiisa ka bilaabay Soomaaliya isaga oo ka qayb qaatay tartankiisii u horeeyay ee caalami ah muddo ay Guddoomiyaha Xiriiirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya, Khadiija Daahir ku qiyaastay lix sano ka hor isaga oo Soomaaliya matalaya.
Bishii Maarso ee sannadkan, wuxuu Cali dalka Jabuuti kaga qayb galay tartanka orodka ee dalalka bariga Afrika, kaas oo uu ka galay kaalinta labaad halka tan kowaad uu galay orodyahan u dhashay dalka Kenya, sidaas ayuuna Cali ku hantay billadda qalinka ee la siiyo qofka gala kaalinta labaad. Wuxuu ka qayb galay tartankii Meeting Djibouti oo uu kaalinta labaad ka galay,” ayey tiri Khadiijo
Sannadkii 2021 wuxuu orodka Soomaaliya ku matalay ciyaarihii Olympic-ta ee ka dhacay dalka Japan isaga oo orday 1500 oo mitir, umana suurta gelin in uu wax billad ah ka keeno.
Bishii Juun ee sannadkan wuxuu sidoo kale ka qayb galay tartanka dalalka carbeed oo ka dhacayey dalka Algeria waana kiisii u dambeeyay ee heer calami, sida ay BBC u sheegtay Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaalia -Khadiija, wuxuu ka mid noqday tobanka orodyahan ee ugu fiicnaa balse wax billad ah ma uusan guddoomin.
Waxaa soo kabanaya xadhiidhada ciyaaraha ee Soomaaliya oo mar kale kasoo muuqanaya saaxada ciyaaraha caalamiga ah, kadib muddo labaatan sano ka badan oo ay Soomaaliya dowlad la’aan ahayd. Waxaase tartammo ay orodku u badan yihiin ka qayb gala Soomaali matalaya dalal kale kuwaas oo qaarkood billado dahab ah ku guulaysta.
Sida ku xusan barta lagala socdo cayaaraha jaamacadaha ee Shiinaha, Cali Iidow Xasan wuxuu ka mid yahay ardayda jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho.
0 Comments