Taariikhdu markii ay ahayd 17-kii Janaayo sanadkii 1997-dii waxaa qoyska Paul ugu dhashay
Taariikhdu markii ay ahayd 17-kii Janaayo sanadkii 1997-dii waxaa qoyska Paul ugu dhashay Ohio wiil yar oo loo bixiyay Jake. Isla bishaas tartanka feerka caalamiga waxaa lays weydiiyay hadii Mike Tyson uu joojiyay feerka kaddib markii laga guuleystay, waxaa ka badiyays Evander Holyfield.
Qiyaastii 17 sano kaddib, Jake Paul oo hadda isku sheega in uu yahay Cunug dhib badan” oo baraha bulshada iyo feerka lagu yaqaan ayaa wajahaya Tyson oo ah 58 jir. Waxay ku feertamayaan garoonka AT&T ee Dallas.
Inkastoo feerka uu yahay kii xirfadlayaasha, hadana waxaa la isticmaalayaa gacmogashi waa waweyn kuwii hore. Sida caadiga feerka ragga waxaa uu socdaa ilaa saddex daqiiqo balse kan waa ilaa labo daqiiqo. Waa feer waqtigiisa la soo gaabiyay.
Qabanqaabiyayaasha waxay sheegayaan in feerkan lagu daro
Qabanqaabiyayaasha waxay sheegayaan in feerkan lagu daro kan kale ay isaga hor’imaanayaan Katie Taylor iyo Amanda Serrano si uu xiisaha kordho balse kuwa ka horjeeda waxay ku doodayaan in feerkan uusan indhaha dadka ka jeedin kan haweenka.
Xiisaha ugu weyn ee la sugayo ayaa ah in Netflix uu si toos ah u tabin doono feerka iyadoo ay daawanayaan 280-ka milyan ee ku xiran. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay yimaadaan 70,000 garoonka oo halkaas ay toos uga daawadaan. Iyadoo sumcadda feerka ay liidato ayaa hadana su’aasha ugu weyn waxay tahay, Tyson iyo Paul ma si dhab ah u dagaallamayaan?
Ku biirista feerka ee Paul iyo geesinimadiisa waxay ka niyad jabisay dad badan oo aaminsan in Youtuber sida isaga oo kale ah aysan u qalmin in la siiyo fursad ay ku wasaqeeyaan sumacadda Tyson oo ah halyeey ciyaaraha feerka. Hadii kuwa dhaliilsan ay niyad jabsan yihiin waa in ay u caroodaan Mike Tyson sababtoo ah isaga ayaa weli doonaya feerka, isaga ayaa dalbaday in heer xirfadeed laga dhigo” ayuu yiri Paul oo u jawaabayay dadka dhaliilaya feerkan.
Feerka oo leh taariikh iyo sheekooyin dhiirogelin, waa isboorti halis ah oo hal feer, khalad ama daqiiqad aan laguugu talogelin ay keeni karto geeri. Feerkan hore ayaa dib loogu dhigay kaddib markii Tyson uu xanuunsaday. Wareysi ay BBC-da la yeelatay waxa uu Tyson u muuqday mid aad u hanjabaya si ka badan sidi hore loogu yaqaanay. Intii uu wareysiga socday waxaa ka soo baxeysay neef badan. Wuxuu ku adkeystay in caafimaadkiisu fiican yahay.
Paul waa uu ku cusub yahay feerka. Waxa ugu muhiimsan marka la feertamayo waa awoodda qofka. Tyson waxa uu muuqaalladiisa tababarka ku muujiyay in weli uu leeyahay awoodiis uu dadka ku ridayay sida ay muujinayaan muuqaallada laga duubay isagoo feertamaya.
Dhanka kale, Paul waxa uu khibradiisa feerka ku cabiray ciyaaraha Video-game-ka. Si kasta ha ahaato, feerka ma ahan ciyaar ee waa isboorti halis ah. Feeryahanka labada jeer ku guulestay horyaalka waxa uu la feertamay Roy Jones Jr bandhig dhacay 2020-kii, wuxuuna soo bandhigay feer qurux badan.
Laakiin ma ahan wax qarsoon in uusan feertamin in ka badan 19 sano
Laakiin ma ahan wax qarsoon in uusan feertamin in ka badan 19 sano. Markii laga adkaaday 2005-tii feerkii dhexmaray isaga iyo McBride, Tyson waxa uu sheegay in uu ka niyadjabay isboortiga sababta uu u dagaallamayana ay tahay sidii uu isaga bixin lahaa biilasha.
In dagaal ceynkan oo kale laygaga badiyo darteed ma doonayo in aan xushmadda ka qaado ciyaaraha” ayuu yiri Tyson. Waxaa la sheegay in Paul uu qaadanayo 40 milyan oo doolar, Tyson waxa uu helayaa kala barka intaas. Waxaa lays weydiinayaa waxa ciyaarahan ka dameeya ee sidan ka dhigay.
Paul waxaa haysta eedo socda oo aan la cadeyn karin kuwaas oo ah in dagaalka uu yahay mid hore loo sii qorsheeyay. Paul waxaa feer kaga adkaaday 2020-kii Tommy Fury. Kuwa kale ee ka horjeeda, gaar ahaan feeryahanada UFCE ayaa si taxar leh loo soo xulay.
Markii aan daawaday dhaqanka Tyson toddobaadkan oo dhan gaar ahaan markii uu dharbaaxay Paul- way cadday in tan uu u arko dagaal dhab ah. Dad badan oo jaceylka Tyson qaba ayaa isugu yimid bannaanka Toyota Music Factory ee magaalada Irving, kuwaas oo doonayo in ay arkaan Tyson oo ka soo dagaya gaarigiisa.
Maanta, kuwa sameynta ku leh baraha bulshada iyo xidigo ay ka mid yihiin Cobra Kai ayaa la filayaa in ay yimaadaan. Taageerayaal isugu jira carruur iyo cirroole oo da’doodu u dhexeysao 4 jir ilaa iyo 80 jir ayaa doonaya ciyaarta Netflix waxay ku tilmaameen feerkan in uu yahay mid “aad loo sugayo. Waxaa la rajeynayaan in habeenkaas uusan noqon habeen naxdin ah.
0 Comments