Maxaa laga baran karaa weerarkii Hotel Xayat?

   


 Dawlada curdunka ah, ayaa durba la kulantay dhabar jab xooggan, oo kaga yimid haraadigii Farmaajo oo weli baaqi ku ah, hay'adaha dowlada, gaar ahaan kuwa amniga.


Al-shabaab ayaa weerar dhiig badan uu ku daatay ku qaaday hotel Xayaad , iyadoo kuwii hotelka galay in laga saaro ay qaadatay ku dhawaad 2 casho.


Dadka falanqeeya amniga waxey aamisan yihiin in weerarkaas ay Al Shabaab u fududeeyeen xubno ka tirsan dowlada, gaar ahaan haraadigii maamulkii farmaajo, kuwaa oo weli shaqeynaya.


Wadooyinka magaalada Muqdisho inta badan waa kuwa xiran, isla markaana ay yaallaan baro kontorool oo lagu hubiyo gawaarida, waana sababta rasmiga ee lagu rumeysan karo in weerarkan Al Shabaab ay ka caawiyaan dad dowlada la tirsan.


Qubaradu waxey leeyihiin, In la aamino dadkaasi, ayaa keeni karta dhibaatooyin kale oo hor leh, maddaama ay hore ugu fashilmeen sugida amniga.


Dadka Muqdisho ayaa kula talinaya, in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo amniga caasimadda, isla markaana xilalka laga xayuubiyo kuwii Farmaajo u fududeyn jiray falalkii argagaxa lahaa ee uu gaystay mudadadii uu kursiga ku fadhiyey.

Post a Comment

0 Comments