Wararkii ugu dambeeyay weerarka Hayat hotel

Hayat Hotel


Waxaa tan iyo xalay fiidkii socda weerar culus oo Al-shabaab ku qaadey Hayat hotel, oo ku yaalla KM4, kaasoo ay deganaayeen Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka iyo Saraakiil dowladeed.


Sawirro laga soo qaadey hotel-ka ayaa muujinaya askar katirsan Alpha Group oo saaran dabaqa sare dhismaha oo ka kooban afar biyaano, iyadoo la maqlayo rasaas goos-goos ah iyo qaraxyo.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qaar kamid ah dagaalyahanada la toogtay, islamarkaana ay harsan yihiin hal illaa labo oo dagaal kula jira Ciidamada gudaha ku jira ee isku dayaya inay howlgalka soo afjaraan.


Ugu yaraan 15 illaa 20 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen, kuwaasoo uu ku jiro mulkiilihii hotel-ka C/raxmaan Xasan Iman oo qolkiisa lagu dhex toogtay, markii dableyda gudaha galeen xalay.


Nin kale oo Injineer ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdi Haadi Maxamed, oo ka yimid dalka Norway ayaa meydkiisa laag helay hotel-ka. Ninkan ayaa ahaa ganacsade la shaqeynayay sidoo kale Wasaaradda Batroolka  Dawlada.

.


Xaaladda ayaa wali cakiran, iyadoo aan la ogeyn inta ay qaadan doonto in howlgalka lasoo afjaro. Warar ayaa sheegay in Ciidamada   dhowr askari ku waayeen dagaalka ay la galeen dagaalyahanada.

Post a Comment

0 Comments