Japan oo ballan qaad u sameysay Soomaaliya

 

Japan iyo Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galay shirka caalamiga ah ee Tokyo ee horumarinta Afrika oo lagu soo gabagabeeyey caasimadda dalka Tunisia ee Tunis.


Shirka waxaa barbar socda kulamo doceed uu  Raysal Wasaaraha Somaaliya la yeelanayo madaxda ka qeyb galeysa shirka caalamiga ee TICAD, wuxuuna kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Japan Yoshimasa Hayashi.


Sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Raysal wasaare Xamse, labada masuul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay Japan siiso Soomaaliya.


Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Japan Hayashi, wuxuu muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’antahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed ee kala dhaxeeya   Dawladda Soomaaliya oo hadda ku jirta soo kabasho gaabis ku socota.


Hayashi wuxuu ballan qaaday in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato barnaamijyada horumarineed ee laga fulinaayo gudaha Soomaaliya, taasoo ka dhigan in Japan qeyb ka noqon doonto loollanka dhaqaale ee geeska afrika.


Shirkan waxaa soo qaban qaabiyay Dowladda Japan, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijyada Horumarinta (UNDP), Bangiga Adduunka iyo Guddiga Midowga Afrika (AUC) xilli Japan ay isha ku hayso xoojinta loollanka Shiinaha.


Shir madaxeedka siddeedaad ee TICAD, waxaa diiradda lagu saaray kobcinta dhaqaalaha, sidii loo abuuri lahaa fursado horumar, bulsho isku filnaansho gaarta iyo qaabkii looga shaqeyn lahaa nabad iyo deggenaansho ay helaan waddamada Afrika.

Post a Comment

0 Comments