Hay’adaha samofalka ee dalka Imaaraadka Carabta oo kaashanaya hay’adda maareynta masiibooyinka Soomaaliya iyo hay’adaha ay khuseyso ayaa bilaabay in ay Gargaar gaarsiiyaan dadka iyo barakacayaasha.
Deegaannadii ay ku sugnaayeen iyo xeryihii ay ku noolaayeen, kuwaas oo ku yaalla deegaannada ay sida weyn u saameysay abaartu waxaana ku jira deegaanada Maxaas iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan
Kadib markii uu soo gaaray Markab sida shixnad gargaar oo Imaaraadka leeyahay oo soo gaaray dekadda caasimadda Muqdisho, kaasi oo sida in ka badan kun tan oo raashin iyo gar-gaar kala duwan.
Gargaarkaas Imaaradku keenay oo loogu tala galay in la gaadhsiyo, ku dhawaad 2.5 milyan oo qof oo ay abaaruhu saameeyeen si loo taageero xaaladahooda bini'aadantinimo.
Imaaraadka Carabta ayaa dadaal weyn ugu jira sidii gargaar loo gaarsiin lahaa gobollada Soomaaliya ee ay saameeyeen abaaraha ka dhashay roob la’aanta saddex xilli oo xiriir ah.
Daneynta Imaaraadka ee xaaladda bini’aadantinimo ee dadka Soomaaliyeed waxa ay ku soo beegantay qaab dhismeedka hoggaanka u hanqal taagaya caawinta dhammaan dalalka walaalaha iyo saaxiibada ah iyo kor u qaadida awooddooda si ay u wajahaan xasaradaha bini’aadantinimo iyo yaraynta dhibaatooyinka ka dhalanaya.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka Geeska Afrika ee ay sida weyn u saameysay abaarta, taasoo dhibaato xooggan ku haysa kumannaan qof oo ay abaaruhu saameeyeen.
0 Comments