Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqay in ay Soomaaliya siinayaan gargaar bini’aadantinimo oo cusub, iyo go’aano dan u ah shacabka Soomaaliyeed.
Tani waxay ka dambeysay kulan Arbacadii shalay uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Emirate-ka Carabta Sheekh Maxamed Zayed Al Nahyan uu ku dhex maray Qasriga Al Shaati.
Intii uu socday kulanka ayaa labada mas’uul waxa ay uga wada hadleen arrimo khuseeya danaha guud, waxaana la isku afgartay in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta mashaariicda oo ay ugu waaweyn yihiin.
1- Imaaraadka ayaa lacag dhan 20 milyan oo dollar ugu deeqay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, waxaana lacagtan loo soo marsiiyaa maamulada rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya.
2- Fududeynta hab-raacyada fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay booqdaan Imaaraadka.
3- Dib u soo celinta Diyaarada Emirates Airlines ee Soomaaliya.
4- Waxaa dib loo howlgeliyay Isbitaalka Sheekh Zayed Al Nahyan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dadka Soomaaliyeed si lacag la’aan ah loogu caawin jiray.
5- Booqashada wafdi heer sare ah oo imaaraadku ay ku yimaadeen Soomaaliya ka dib socdaalka hadda socda.
6- Sameynta Guddiyo Farsamo oo fulin doona waxyaabihii ka soo baxay booqashada aan kor ku soo xusnay.
Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa ku celceliyay in Imaaraadku ay sii wadayaan taageerada ay siinayaan wax kasta oo maslaxad u ah shacabka Soomaaliyeed, kana garaan hammigooda horumarineed, xasilooni iyo barwaaqo iyo u dhisidda mustaqbal wanaagsan oo ubadkooda ay ka buuxdo nabad iyo barwaaqo.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay inuu hammigiisa ku doonayo inuu ka shaqeeyo horumarinta iskaashiga Imaaraadka iyo Soomaaliya si loo gaaro rabitaanka shacabka labada dal iyo ka qeyb qaadashada horumarinta xasilloonida iyo amniga gobolka.
0 Comments