Madaxwayne Xasan Sheekh oo boogaadiyay shacabka degmada baxdow oo garab siiyay ciidan iyagoo iska dhifacaya weerar Al-shabaab ku so qaday.

Xasan sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka ku dhaqan degmada Baddow ee gobolka Guul-Gaduud ku bogaadiyey naf hurista iyo hufnaanta ay u muujiyeen sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerarrada argagixisada Al-Shabaab ay ku soo qaadeen weerarro xooggan. oo saaka lagu weeraray magaalada.


 Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khasaarihii xoogganaa ee shacabka iyo ciidamada xoogga dalka ay ku gaarsiiyeen kooxaha argagixisada ah ee soo weeraray degmada Baddow uu muujinayo sida ay uga go’an tahay shacabka Soomaaliyeed sidii looga adkaan lahaa argagixisada.


 Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa intaa ku daray in dadka reer Baxdow ay saaka argagixsada u dhigeen cashar lama ilaawaan ah, wuxuuna u diray fariin muujineysa in ay gabo gabo ku dhowdahay maalmihii argagixisada ay ku dhuumaaleysanayaan dalka si ay u dhibaateeyaan shacabka aan waxba galabsan.


 Madaxweynuhu waxa uu Alle SWT ugu baaqay muwaadiniintii ku shahiiday dagaalka in ay dalkooda iyo dadkooda u difaacayaan si nabad ah, isagoo intii ku dhaawacantayna u rajeeyey caafimaad degdeg ah.

Post a Comment

0 Comments