Maanta oo Axad ah ayaa waxaa la soo gaba gabeeyay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo muddo labo maalmood ah socday, kaasi oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkaan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb galay ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Ka qeyb galayaasha shirka ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa howlaha muhiimka ah ee dowladda Federaalka, gaar ahaan xoojinta wada shaqeynta heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa lagu ansixiyay toddoba qodob oo muhiim ah oo laga doodayo.
1:Dhamaystirka dastuurka qabyada ah.
2:Dhaqangelinta Nidaamka Amniga Qaranka.
3:Ka shaqaynta Nidaamka Doorashooyinka Dimuqraadiga ah
4: In la gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo mid bulsho
5: In mudnaanta la siiyo wada-hadallada dowladda Federaalka iyo Somaliland
6: Abuurid,dardar galinta iyo dhamaystirka nidaamka federaalka
7: Dhamaystirka hanaanka garsoor ee madaxa banaan
Qodobada ka soo baxay shirkan ayaa horey u ahaa hadafkii dowladihii hore ee Soomaaliya soo maray inkastoo aan la fulin karin.
Shirka ayaa laga soo saaray war-murtiyeedk
0 Comments