Madaxweynaha Soomaaliya XasanSheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ku
maamuuseen madaxda iyo bulshada Galmudug ayaa ka warbixiyey mudnaanta uu
siinayo daadejinta adeegyada dowladda, adkeynta dimuqraadiyadda dalka iyo dib u
heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha
ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka
Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ah ee ay soo
maleegaan argagixisada Al-Shabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka
Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga
xoreeyaan dalka.
“Muwaadinka
Soomaaliyeed caawa gurigiisa in uu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu
safrayo oo uu waddada marayo goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin
baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in
aysan is dhihin baan rabnaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha
waxa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah kooxda
nabad diidka ah ee Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas
daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.
“Waxaan
rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la’isaga xorreynayo,
kaddibna dadka kale ay ku daydaan,” ayuu yiri.
Madaxweyne
Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka
digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si
ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan
ubadkooda.
“Walaalihii
iyo saaxiibadii ay wax ku soo kala gaareen waddadii la soo maray, waxaan
leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga. Haddii ay dadku dhihi
jireen, bus-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa
taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno,” ayuu yiri.
0 Comments