Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday kaamamka barakacayaasha ee magaalada Baydhabo ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee ay waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha ka jira dalka, biyo la’aanta iyo dhibaatooyinka ay argaggaxisadu ku hayaan dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka
ugu baaqay in loo gurmado dadka tabaalaysan ee ay waxyeelladu ka soo gaartay
masiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqday iyo duruufaha amni ee ka jira qeybo
ka mid ah dalka, isaga oo faray hay’adaha dowladda in la dardargeliyo hawlaha
gurmadka abaaraha.
Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa
in dadka ay abaaruhu saameeyeen loo gurmado, wixii aynu haysanno lala wadaago,
garab-istaag iyo walaalnimana loo muujiyo. Sidoo kale in ubadka Soomaaliyeed ee
xeryahan ku jira lala gaaro adeegyada bulshada ee asaasiga ah oo ay ku jiraan
dhismaha goobihii ay wax ku baran lahaayeen.”
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka
Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso wax-ka-qabashada xaaladaha
bini’aadannimo ee ka jira dalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee ay
abaaruhu saameeyeen, isaga oo xusay in dowladdu dhowaan magacowday ergay gaar
ah oo ka shaqaynaya isku-xirka arrimaha gurmadka abaaraha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa booqashada ku weheliyay
Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan
Maxamed (Laftagareen), Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta
Masiibooyinka, Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Gaashaandhigga, mudane
Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo ka kala tirsan Dowladda
Federaalka iyo Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.
Madaxwayne xasan sheekh maxamuud waxa ka go'an in shacabka masiibada abaruhu sameeyen awood kasta lagu cawiyo laba malin kadib markii la doortayba waxa uu u magacabay ergay gaara oo arimaha abaraha iyo masiibooyinka oo loo magacabay Cabdirahman Abdishakhur.
0 Comments