Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaalkiisii ugu horeeyey
maanta ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur
Galbeed Soomaaliya. Halkaasi oo illaa shalay ay ka socotey qabanqaabada soo
dhawayntiisa.
Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Md. Cabdicasiis laftagareen iyo masuuliyiin uu hogaaminaayo iyo agaasimaha Madaxtooyada Xuseen Sh. Maxamed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh kusoo dhaweeyey magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha oo ka warbixiyey ujeeddada safarkiisa Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in uu ku qotomo dib-u-heshiisinta bulshada, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka dalka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo ku aaddan dhab-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.
“Ujeedka aannu halkan u nimid waxa uu ahaa in aannu idin la wadaagno qorsheyaasheenna ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay heshiiyaan oo walaaloobaan; Soomaali heshiis ah, dunnida na heshiis la ah.
Deegaankani waxa uu caan ku yahay nabadda, wada noolaanshaha, soo dhoweynta iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, waana sababta aannu halkan uga bilownay safarkeennii koowaad. Baaqaygu waxa weeye qalbiga aan ka midowno, qalbiga aan ka heshiinno, quluubteenna aan isu furno, si aan cadowga isaga celinno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Xasan
Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxaa uu u kuur-galayaa
xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan
deegaannada Koonfur Galbeed, si wax looga qabto xaaladaha binu’aadannimo ee ka
dhashay abaaraha ka jira guud ahaan dalka.
“Dalka duruufo adag ayaa ka jira oo ay abaaruhu sababeen,
Waxaannu si dhow ugu kuur-geli doonnaa duruufaha ay ku jiraan dadka ay abaaruhu
saameeyeen iyo guud ahaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin shacabkeenna,
si aannu farriintooda u gaarsiinno Soomaalida inteeda kale iyo caalamka ba.”
Ugu
dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta cusub
ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana Madaxweynuhu uu
halkaas kulamo kula qaadan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo
qaybaha kala duwan ee bulshada.
Xasan Sheekh Maxamed oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha
dowladda federaalka, kadib doorashadii 15-kii May ayaa safarkan wuxuu noqonayaa
kiisii ugu horreeyey ee uu ku gaaro Koonfur Galbeed oo kamid ah maamul
goboleeyada ka jira dalka.
Sida ay ogaatay Caasimada Online Madaxweynaha dowladda
federaalka Soomaaliya ayaa booqashadiisa Baydhaba, kadib u gudbi doono
magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu kulamo kula yeelan
doono Madaxweyne Axmed Qoor Qoor.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Madaxweyne
Xasan uu beri tegayo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, marka uu ka dhamaado
howlaha Baydhabo
Qaban-qaabo ku aadan safarka Madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa
haatan laga dareemayaa gudaha magaaladaas, iyada oo aad loo adkeeyey ammaanka.
Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
ayaa waxay booqashadiisa u muuqataaa mid uu diirada ku saarayo maamulladii
taabacsanaa Maxamed Farmaajo, ka hor dhismaha dowladdiisa cusub.
Socdaalka madaxeynaha Soomaaliya ee Baydhabo ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku bixinayo maamul goboleedyada dalka, kaasi oo loogu magacdarey Tareenka Nabadda ujeedadiisuna tahay xasilooni kusoo dabaalida dalka, dib uheshiisiinta iyo xaaladda abaaraha dalka.
Waxaa sidoo kale ujeedada socdaalka madaxweynaha qeyb ka ah la
tashiyo ku aadan magacaabista Ra’iisal Wasaaraha oo dhawaan la filayo in lagu
dhawaaqo.
0 Comments