MADAXWAYNE XASAN SHEEKH OO DHIB U QAYBAYN KU SAMAYNAYA HAYADA NISA.

 

mahad salad

Xildhbaan Mahad Salad oo madaxwaynaha Somaliya uu u magacabay agasimaha NISA waxay marag u tahay in madaxwaynu uu ku aminay shaqandan Mahad Salad oo ah xildhiban khibrad durugsan u leh siyasada somaliya iyo amniga dalkaba.


Xildhibaan Mahad Salaad waxa uu shahaadada heerka koowaad ee culuumta siyaasadda (Political Science) ka qaatay Jaamacadda October 6 ee Qaahira, isaga midda heerka labaad ee xiriirka caalamiga ahna uu ka helay Jaamacadda Cairo. 

 

Waxa uu sidoo kale muddo ka badan 10 sano soo ahaa xildhibaan federaal, isaga oo xubin ka noqdo guddiyo heer federaal oo dhowr ah. Wuxuu sidoo kale xilal wasiiro dowle.Waxa ugu muhiimsan ee madaxweyne uu ka doonayo qofka uu ka aaminayo gacan ku haynta sirta qaranka waa aaminaad iyo inuu ku kalsoon yahay, islamarkaana si wanaagsan wax u maamuli karo.

 

Hay’adda NISA waxay shantii sano ee lasoo dhaafay ay aheyd hay’ad ka leexatay tubteedii. Waxaa loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed, waxaa ku dhexmilmay Al-Shabaab, waxaana ay noqotay goob tusaale u ah ku takrifal awoodeed.Xitaa waxaa jira xog sheegeysa in hay’addan ay dhageysaneysay taleefonada xubnaha kale ee dowladda ama mucaraadka kasoo horjeeday Farmaajo.


Waxay u baahan tahay nadiifin muddo badan qaadan doonto, mana ahan shaqo qof kasta lagu aamini karo, waana taas sababta uu madaxweyne Xasan Sheekh u doortay qofkii uu islahaa waa ugu aaminaad badan tahay.Cidna Mahad Salaad kama fileyn inuu dibedda aado ee uu sir soo ururiyo, shaqadaas waxaay u taalla wakiilada hay’adda iyo madax qeybeydyada farsamo.

 

Post a Comment

0 Comments