MADAXWAYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO DHEXDHAXAADIN KA WADA KHILAAFKA SUNA WALJAMEECA IYO GALMUDUG



 
Xasan Sheekh

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa sheegay inay madaxweynaha cusub ee dalka Xasan SheekhMaxamuud kara jaynayaan in uu dhexdhexaadiyo iyaga iyo maamulka Galmudug.

Kooxda Ahlu Sunna ayaa sideeddii bilood ee ugu dambeysay isu uruursaneysay deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb, ka dib dagaalkii bishii October ka dhacay Magaalada Guriceel.

Warar xog ogal ah oo laga helay Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegaya in Villa Somalia ay ka doonayaan inay ka soo qaybgeliso dadaalada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, si xal looga gaaro xurgufta kala dhaxeysa Madaxtooyada Galmudug.

Ilo wareedyadan ayaa sidoo kale sheegaya in Hoggaanka Ahlu Sunna ay ku andacoonayaan in sifo aan sax ahayn loogala wareegay magaalooyinkii ay dhowr iyo tobanka sano ka arriminayeen.

Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu Sunna Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa toddobaadkii hore sheegay inaanay iyagu cidina weerar ku ahayn, balse ay diidan yihiin shirqooladii ay u maleygtay sida uu yiri dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligii uu Madaxweynaha 8aad ahaa waxa ay dowladdiisu xiriir wanaagsan la laheyd Hoggaankii Ahlu Sunna, inkastoo mararka qaarkood ay is qaban jireen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii Khamiista ka hadlayay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa madaxda iyo bulshada reer Galmudug kula dardaarmay in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is qabsadaan, si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

Si kastaba ha-ahaatee baaqa Ahlu Sunna ee xilligan ayaa ah in lala heshiisiiyo Hoggaanka Galmudug, hal meelna lagaga soo jeesto dagaalka lagula jiro maleeshiyada Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa Galmudug u tegay si uu uga miro dhalin lahaa qorshihiisa ku aaddan Soomaali heshiis ah, taasoo aas aas u ah hirgelinta dib u heshiisiin dhab ah, mideynta shacabka Soomaaliyeed iyo xorreynta dalka.

 waxaana safarka madaxweynaha uu ku tagay Dhuusamareeb u qeyb ka yahay safaro u sheegay inuu ku tagi doono dhamaan xurumaha ay ku shaqeeyaan maamul goboleedyada dalka, isagoo u kuur galaya xaaladaha Bani'aadanimo ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed.


Post a Comment

0 Comments