XasanSheekh Maxamuud Madaxwaynaha Somaliya ayaa ballan-qaaday inuu ka xorayn doono dalka kooxda Al-Shabaab, waxana uu sheegay inay dib u xoogeysatay dalka shantii sano ee uu maamulayey
madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Inta
badan degmooyinkii la xoreeyey markii aan madaxweynaha ahaa muddo xileedkii
koowaad, mar kale ayey gacanta ka baxeen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo
wareysi siiyey wargeyska The Economist.
Intii
uu Farmaajo madaxweynaha ahaa, Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay si weyn
ugu dhex-milmeen hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga.
Al-shabab ayaa imika maamusha dhul baaxad leh, waxayna canshuur ka qaadaan inta badan
gacnacsata dalka, gaar ahaan kuwa Muqdisho oo dakhliga ugu badan uu kooxdan
kasoo galo.
Madaxweyne
Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay maanta ururiso canshuur ka badan
tan dowladda, oo ay nidaam dowladeed ka dhex sameyeen dowladda federaalka,
taasi oo uu nasiib darro ku tilmaamay.
Muddo
xileedkii koowaad ee Xasan Sheekh, Al-Shabaab sidan uma awood badneyn. Inkasta
oo ay ganacsatada qaar ka qaadi jireen canshuur, haddana uma baaxad weyneyn
heerka ay gaareen shantii sano ee Farmaajo.
Madaxweynaha
cusub ayaa ku dhowaaqay inuu damacsan yahay inuu billaabo weerar cusub oo ka
dhan ah Al-Shabaab, si uu dib ugu riixo baadiyaha. Waxa uu sheegay in markaas
kadib kooxdan wada-hadal lala geli karo.
Aragtideena
waa inaan meesha ka saarno sheekada Al-Shabaab, oo aan shacabka tusnaa in
dowladdu ay ilaalineyso caqiiqaddooda. Tan waxay ka dhigan tahay inaan qaadno
dagaal laba weji leh,” ayuu yiri.
0 Comments